Xulufada Sacuudiga oo xalay ku dhawaaqay qorshe cusub oo ka dhan Qatar

Riyadh (Caasimada Online) – Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar ayaa xalay wacad ku maray in Qatar ka qaadayaan tallaabooyin siyaasadeed, kuwa dhaqaale iyo kuwa sharci ah, kadib markii ay diiday dalabyadooda.

Bayaan ay si wada jir ah usoo saareen ayay afartan dal ku eedeeyeen Qatar “inay sii waddo inay halis geliso ammaanka iyo xasiloonida gacanka Carbeed.”

“Waxaan qaadi doonaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee siyaasadeed, dhaqaale iyo sharci, si aan danaheena uga ilaalino siyaasadda daan-daansiga ee dowladda Qatar” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qatar ayaa isniintii ka jawaabtay, kuna gacan seertay  dalab 13 qodob ka koobnaa oo ay xulufada Sacuudiga usoo bandhigeen, si ay xanibaadda dhaqaale iyo midda socdaal uga qaadaan dalkaas, xilli xasarad diblomaasiyeed ay ka taagan tahay gobolka.

Wasiirka arrimaha dibedda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in dalkiisa uu sameyn doono wax kasta oo uu ku badbaadinayo dadkiisa, isaga oo ku eedeeyey xulufada Sacuudiga inay qaribayaan madax-banaanida dalkiisa.

Waxaa muuqata in xulufada Sacuudiga ay ku guuleysan la’yihiin inay cadaadiskooda uu saameyn ku yeesho Qatar, oo saaxiibo wanaagsan ku leh dalalka kale ee dunida, sida Turkiga, Iran iyo reer galbeedka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Doha
caasimada@live.com