Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka oo booqday shalay xarunta Xalane ee saldhiga u ah ajaaniibta ka howlgasha Soomaaliya, kuwaasi oo shaqooyin aan lala socon ka haaya iyo shirkaddo kala duwan oo ka beec mushtara Soomaaliya.
Wasiirada booqday oo ujeedadoodu aheyd in tirakoob lagu sameeyo shirkaddaha iyo shaqaalaha ku sugan xarunta Xalane iyo inay bixiyaan canshuurta dalka ayaa waxay kusoo arkeen wax aysan fileyn, iyo 150 shirkadood oo howlo kala duwan ka haaya halkaasi, kuwaasi oo u badan hay’addaha UN-ka iyo safaaradaha caalamka.
Wasiirada booqday Xalane ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka warfaafinta Inj. C/raxmaan Yariisow, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Saalax Axmed Jaamac iyo wasiir kuxigeeno.
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya oo meesha ka hadlay ayaa marka hore u sheegay shirkaddaha meesha degan in Xalane ay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya isla markaana ay u hoggaansamaan sharciga dalka ka jira ayna bixiyaan canshuurta.
Wasiir Saalax ayaa sidoo kale sheegay shaqaalaha Ajnabiga ah ee halkaasi ku sugan inay baari doonaan shaqadooda si loo ogaado in ay jiraan shaqooyin uu qaban karo qof Soomaaliyeed si shaqo abuur loogu sameeyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee mararka qaar dalka ka tahriiba.
Mid ka mid ah Saraakiishii kulankaas goobjooga ka ahaa ayaa si awood ah ugu sheegay Madaxda shirkadahaas in aysan Soomaaliya ka Shaqeyneyn doonin hadii aysan isdiiwaangelin.
Dhanka kale, Wasiirka warfaahinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, ayaa ugu baaqay madaxda shirkaddaha ajnabiga ah iyo kuwa Soomaaliga intaba ee ka shaqaeeya xerada Xalane, garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde iyo dekadda weyn ee Muqdisho in ay si dhaqso ah isku soo diiwaan geliyaan si ay waajib ugu noqoto in ay Canshuurta bixiyaan.
Waxaa la ogyahay in xarunta Xalane ay tahay goob dhaqaalaha dalka Soomaaliya iyo mashaariicda loogu talagalay ee caalamka in lagu cuno, isla markaana ajaaniibta ku sugan ay ka awood badan yihiin madaxda Soomaalida oo farta ay ugu yeerayaan marka ay la kulmayaan.

Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

