XOG: R/W Cabdi Weli oo kala sifeynaya shaqaalihiisa kadib markii la sheegay..

Muqdisho (Caasimada Online) – War ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in nusqaamin lagu sameyn doono shaqaalaha ka howlgala xafiiska Ra’iisul wasaare Cabdi Weli kadib markii ay dhaafen xadkii loogu tallo galay.

Sarkaal ka howlgala xafiiska Cabdi Weli, ayaa sheegaya in ujeedka yareynta shaqaalaha ka howlgala Xafiiska Ra’isul wasaaraha uu yahay sababo la xiriira sharciyada xafiisyaha DF oo ah in shaqaalihii ku bata xafiis loo kala qeybiyo xafiisyada kala ee dowladda.

“Siyaasad gaar ah lagama damacsano balse waxaa badan shaqaalaha ka howlgala xafiiska Cabdi Weli Sheekh, waxaa jira xafiisyo badan oo looga baahan yahay shaqaalo sidaa darteed waxaa la go’aansaday in la kala yareeyo shaqaalaha” ayuu yiri sarkaalka oo intaa kusii daray in muhiimadu ay tahay in la helo tirakoob xad ah.

Sarkaalka ayaa waxa uu farta ku goday in arrintaani ay saameyn doonto xafiisyada DF gaar ahaan kuwa wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com