Cabdi Weli oo xafiiska taliyihii Booliska DF baaritaan kula dhaqaaqay, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijinayan warar lugu kalsoonan karo, Ra’isul wasaaraha dalka C/Weli Sheekh Axmed ayaa booqday Xafiiska Taliyihii Booliska General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.

Waxaa la sheegayaa in R/W C/weli uu Saraakiisha Ciidamada Booliska ku amray inay baaran gabi ahaan Xafiiska.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Saraakiisha uu ku amray inay si fiican u baaraan qaanadaha iyo armaajooyinka yiilay Xafiiska Taliyihii Booliska General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, kuwaasi oo laga baarayay dawooyin la sheegay inuu ku dhex isticmaalaayay Xafiiskiisa.

Baaritaanka ayaa la tilmaamayaa inuu socday ku dhawaad Laba saac, iyadoona ay Saraakiisha sheegen in General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil uu xiliyada qaar isticmaalayay Coffe iyo kaniiniyaal dhowr nooc ka koobnaa balse aysan garaneynin halka ay ku danbeeyan.

Dhanka kale, Arrintaani ayaa muujineysa in khilaafka labada mas’uul ka dhexeeya uu muujinaayo kalsooni la’aanta, waxaana la Tilmaamayaa in C/weli uusan ku qanacsaneyn geerida Taliyaha inay tahay mid soo boodo ah, balse uu aaminsan yahay in dawo loo adeegsaday.

Si kastaba baaritaan hordhac ah oo kasoo baxay Nairobi Hospital, oo lagu baaray taliyaha, ayaa xaqiijinaya inaan wax sun ah la siin oo uu u geeriyooday wadno xanuun.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com