Siyaasi si caro leh uga hadlay khilafka madaxweyne Xasan Sheekh & C/Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu faraha kasii baxaayo Khilaafka ka dhex tolan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee somalia Xassan sheekh iyo Ra’isulwasaare C/weli sheekh, ayaa waxaa soo baxaayo eedeymo kala duwan oo loo jeediyay Labada mas’uul.
Siyaasi Shariif Xuseen Roobow oo kamid ah Siyaasiyiinta dalka, ayaa waxa uu dhaliilay khilaafka ka dhexeeya Xassan iyo C/weli.

Waxa uu sheegay in si fudud uu ku dhashay khilafka soo kala dhex galay labada mas’uul xili uu sheegay in wax iska caadi ah ay tahay Ra’iisul wasaare golahiisa wasiirada isku shaandheen ku sameeya.

Shariif xuseen Roobow oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxa uu tilmaamay in khilaafka dhawaan soo ifbaxay saamyen uu ku yeelan doono Hiigsiga dhaw ee dowladda uu madaxweenaha ka yahay Xasan sheekh Maxamuud dooneyso in dalka ay ka hir geliso sanadka 2016-ka Dorasho xur ah.

Siyaasi Shariif Xuseen Roobow, ayaa sheegay in khilaafka uu yahay mid loogu tallo galay in lagu dib dhigo hormarada dalka uu ku talaabsan lahaa, wuxuuna cadeeyay in khilaafyada uu xili waliba dhaco goorta la gaaro doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay in DF Somalia, ay ku dhisantahay hanaanka qabiilka ee Soomaalida wax ku qeysato, waxaana uu tilmaamay in xitaa laga yaabo is faham la’aanta taasi oo sababaysa in madax aan is aqoon qabiil lagu soo xulay.

Dhanka kale, Siyaasi Shariif Xuseen Roobow waxa uu sheegay in labada mas’uul looga baahan yahay inay xaliyaan wax walba oo ka dhaxeeya, sidoo kalena ay eegaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com