Daawo Sawirrada: Tartankii HEESAHA hir-galay oo xalay ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuxulow ayaa xalay ka qeybgalay Tartanka Heesaha Hirgalay oo ay ku tartamayeen afar dhalinyaro ah oo tijaabinayey inay ka mid noqon karaan Fannaaniinta Soomaliya. Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Tartanka Heesaha Hirgalay waxuu qeyb ka yiahay Horumarka Fanka Soomaaliyeed.”

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Guddoomiye Ku xigeenka Ururka Haweenka iyo Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada ayaa ka mid ahaa dadkii goob jooga ka ahaa barnaamijka iyadoo ay Fannaaniinta Hobollada Waaberi ay dadka maaweelinayeen, isla markaasna dhiirigelinayey dhalinyarada tartameysey.

Guddi seddex qof ah oo fannaaniintii hore ah ayaa loo xilsaaray inay qiimeyn ku sameeyaan oo ay xulaan shaqsiga kaalinta Koowaad gala. Arrimaha ay Guddiga fiirinayeen ayaa ahaa sida ay dhalinyarada u soo bandhigaan fankooda oo marka ay masraxa soo istaagayaan, ereyada heesta iyo qaab-dhismeedkeeda, habraaca laxanka iyo muusikada, codka qofka tartamaya oo 40% lagu helayo, iyo calaamadaha laga rabo qofka fannaanka ah.

Guddigan ayaa kala ahaa:
1. Shimaali Ahmed Shimaali
2. Cabdirisaak Geedi Aakhiro
3. Maxamed Abuukar Angaazi

Afarta dhalinyaro ee tartamayey ayaa kala ahaa:
1. Umi Sharif Ahmed
2. Aweys Mohamed Saciid
3. Sadaq Sharif Mohamud
4. Mohamed Ahmed Shareco

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey barnaamijkan ayaa yiri “Heesaha Hirgalay waa barnaamij taariikh ku leh dalka oo waxaa horey uga soo baxay heesaa fara badan oo caan noqday oo waddanka sumcad ku leh. Ujeedooyinka ayaa aheyd sidii loo horumarin lahaa Fanka iyo Suugaanta Dalka. Waxaan u qabanay barnaamijkan in dhalinyarada fursad la siiyo oo ay ku soo bandhigaan xirfadahooda, tanoo dhalinyarada u abuureysa shaqo, isla markaasna ka leexineysa falalka xun-xun iyo ka mid noqoshada kooxaha argagaxisada ah.”

Gabogabadii Tartanka ayaa guddigu waxey go’aamiyeen:

1. Maxamed Axmed Shareeco – Kaalinta koowaad 90%
2. Umi Shariif Axmed oo gabar aheyd – Kaalinta labaad 67%.
3. Sadaq Shariif Maxamud – Kaalinta 3aad – 65%
4. Aweys Maxamed Saciid – Kaalinta 4aad – 64%

Maxamed Axmed Shareeco ayaa u mahadceliyey Wasiirka Warfaafinta iyo dhammaan dadkii ku dhiiri geliyey in uu barnaamijkan ka qeybgalo. Shareeco ayaa sheegay inuu dareemayo faraxad aad u weyn oo riyadiisii ay rumowday.

Wasiirka Warfaafinta oo gunnaanadkii barnaamijka soo xirey ayaa yiri “Afarta dhalinyaro ee ka qeybgashay barnaamijka ayaa ah kuwo wada guuleystay bacdamaa aysan la’aantood barnaamijka qabsoomi laheyd, kuna dhiiri geliyey in dhalinyarada kale ay ku daydaan oo ay si xoog leh uga soo qeybgalaan barnaamijka Heesaha Hirgalay oo bil walba la qaban doono, tanoo ah fursad ay dhalinyarada ku soo bandhigaan xirfadahooda.”

hir1hir2hir3hir4hir5hir6hir7hir8