Xog: R/W Cabdi Weli oo xil ka qaadis la damacsan 3 wasiiro kale + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa lagu warramay inuu doonayo inuu xilka ka qaado wasiiro kale oo ku xiran madaxweyne Xasan Sheekh.

Xubno ku dhow Cabdi Weli ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdi Weli uu sameyn doono isku shaandheyn kale, oo dhowr wasiir oo xilal muhiim ah haya ay xilalkooda ku weyn doonaan.

Wasiirada Cabdi Weli uu beegsanayo waxaa ka mid ah: Wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/llaahi Goodax Barre iyo Wasiirka arrimaha dibadda Dr C/raxmaan Ducaale Bayleh.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli weli uu jiro khilaafka Cabdi Weli iyo Xasan Sheekh, wararka qaarn ay sheegayaan in Cabdi Weli xilkiisa ay ka hareen maalmo yar.

Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada Cabdi Weli ay tahay “naf-la-caarinimo iyo waxaad qasi karto qas.”

“Cabdi Weli ma dhaafi doono bishan November, beesha caalamka way u sheegtay inuu iska baxo, balse waa uu is adkeynaya wuxuuna qasayaa dalka inta aan xilka laga xayuubin” ayuu yiri mid ka mid ah la-taliyayaasha Xasan Sheekh.

Wararka waxa ay sheegayaa in dhowaan Cabdi Weli xilka uu ka degi doono, ama baarlamanka la geyn doono.

Xil ka qaadistii uu Cabdi Weli horey ugu sameeyey dowr wasiir oo uu Faarax C/qaadir ka mid yahay ayaan hir-gelin mana cadda waxa ay soo kordhineyso middan cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com