Seefta golaha BF oo dul saaran wasiir..

Garowe (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaarayo dhanka Golaha shacabka Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Qaranka Xukumadda Somalia Khaliif Axmed Erag uu kaalinta koowaad ka galay kala fogeynta Madaxweyne Xassan sheekh iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumada C/weli sheekh axmed.

Wararku waxa ay Tibaaxayaan in Khaliif Erag uu sabab u ahaa soo shaac bixida Khilaafka labada Mas’uul kadib markii uu isku dayay in xilkiisa uu ku ilaalsado la safashada Ra’isulwasaare C/weli maadaama khilaafkii ugu horeeyay uu ahaa mid ka dhashay magacaabidiisa, xili aan lagala tashan Xassan sheekh.

Sidoo kale, Golaha shacabka ayaa qaba in Khaliif Erag uu Ra’isulwasaare C/weli ka dhaadhacsiiyay in caqabada ugu weyn ee Xukuumadiisu tahay Faarax C/qaadir oo kamid ah Siyaasiyiinta ku xiran xafiiska madaxweyne Xassan sheekh, taasi oo sababtay in Ra’isulwasaare C/weli ku dhiirado xil ka qaadista Faarax C/qaadir iyo Sambaloolshe oo ah garbaha Xassan sheekh.

Dhanka kale, Xildhibaanada ayaa ku goodiyay in Ra’isulwasaare C/weli iyo xukuumadiisu ay isla rogi doonaan, iyagoona si bareer cad usheegen inay la safan doonaan Madaxweyne Xassan oo ay ku tilmaameen inuu yahay Qaran ilaaliye, sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa iyagu xiligaani aaminsan in Khaliif Erag uu yahay xubinta qura ee qaska ku dhex wada Golaha wasiirada waxaana laga cabsi qabaa in Mooshinka laga soo wado C/weli sheekh uu qeyb ka noqon doono Khaliif Erag.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com