Magacyada wasiirada qarka ka tuuray Cabdi Weli iyo beesha caalamka oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxa uu eersan doonaa afar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, haddii ayba dhacdo in xil ka qaadis lagu sameeyo, inta lagu guda jiro bishaan bilowga ah ee November.

Afartaan Wasiir oo kala ah, Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) iyo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed, ayaa waxay Ra’iisal Wasaare C/weli ku dhaliyeen in uu ka horyimaado garabka Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ereg, ayaa wuxuu horey u soo noqday Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, wuxuuna muddooyinkii ugu dambeysay uu si dhow ula shaqeynaayay Ra’iisal Wasaaraha, magacaabidiisu waxaa la tilmaamaa inay bilow u ahayd khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Ra’iisal Wasaaraha, ayaa soo magacaabay Ereg, xilli aanu kala tashan Madaxweynaha, waxaana la rumeysan yahay haddii xilka laga xayuubiyo Ra’iisal Wasaaraha inaanu soo laaban doonin Ereg.

Dhuxulow oo soo noqday Wasiirkii Beeraha ee Dowladdii C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa magacaabidiisa Wasiirnimo waxaa ka dambeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xilliyadii ugu dambeysay uu ku farqo xirtay Wasiirka 1-aad ee Xukuumada. Dhuxulow waxaa hadda la sheegaa inuu qayb ka yahay tallaabada C/weli uu ku qaadacay la shaqaynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dhuxulow ayaa lagu eedeeyaa in uu caqabad ku noqdo Nidaamka Dowladnimo, iyadoo uu kaalin ku lahaa riditaankii Dowladdii C/laahi Yuusuf.

Saransoor, ayaa ah Wasiirka kaliya ee ka soo jeedo Gobolada Koonfur Galbeed ee la safan Ra’iisal Wasaaraha, waxa uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii ka jiray Gobolada Koonfur Galbeed. Waxaa lagu xusuustaa in sanadkii 2012-kii loo diiday in uu ka mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ka hor intii aan la soo dooran Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud. Saransoor waxaa xilligaan kiis Maxkamadeed uu kaga furan yahay Maxkamada Gobolka Banaadir, iyadoona loo heysto lunsasho lacageed.

Ridwaan, ayaa isagana ka horyimid Madaxweynaha Somaliya, ka gadaal markii Xafiiska Madaxweynaha uu ka war helay, isla-markaana uu fashiliyay lacag dhan saddex boqol iyo sideetan kun ($380,000 US) oo lacagta Mareykanka ah, xilli uu doonaayay in uu ka qaato shirkadaha diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka hawlgala, si uu ugu fududeeyo waraaqaha xujeyda ku baxaan. Masuulkaan waxaa wixii xilligaasi ka dambeeyay uu si buuxdo ula saftay garabka Ra’iisal Wasaaraha, iyadoona uu mug weyn ku lahaa tallaabadii Golaha Wasiirada ay xilka uga xayuubiyeen Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Ridwaan, ayaa ka hor intii aanu ka mid noqon Golaha Wasiirada Somaliya waxa uu ahaa ganacsade, ka ganacsada deeqaha waxbarasho ee ardayda jaamacadaha ugu baxaan dalka Yemen. Waxaa xusid mudan inay jiraan arday fara badan oo uu lacago kaga qaatay in uu waxbarasho Yemen ah u diri doono, inkastoo aynaan taasi suurta gelin, isla-markaana ay ardaydu Somaliyeed ka cambaareyso goobaha bulshadu ku badan tahay.

Ragga ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxay kuu sheegayaan in Beesha Caalamka ay soo dhaweysay dalabkii Madaxweynaha, ee ahaa in Xafiiska Shaqada uu ka taggo Ra’iisal Wasaaraha amaba uu Baarlamaanku ka gaaro go’aan kama dambeys ah.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka guuray Gurigii Martida ee Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxaa loo fasirtay mid bilow u ah, tallaabada lagu doonaayo in daaqada looga saaro, laguna soo bedelo shakhsi kale oo si dhow ula shaqayn kara hogaamiyaha dalka.

Arrinta xiisaha leh, ayaa waxaa weeyaan iyadoo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, ay kuu sheegayaan inaysan buurnayn rajada uu Ra’iisal Wasaaruhu ka qabo, inuu sii jooggo Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com