XOG: Guuleed oo Xasan uga ergeeyey Habar-Gidir (Muxuu yahay qorshaha?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar laga helay xubno ka tirsan beesha Habar-Gidir, ayaa sheegaya in Odayaasha Beesha Habar Gidir, ay wadaan qorsho ay uga qeyb qaadanayaan sidii loo ridi lahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Qorshahaani ayaa waxaa daadihinaaya Wasiirkii hore ee Amniga C/Kariin Guuleed, waxaana la sheegayaa in ilaa Seddex kulan inuu la qaatay Odayaasha Beesha si ay u kiciyaan mas’uuliyiinta ugu jira labada Gole ee DF Somalia, si loo rido Cabdi Weli, kadib markii uu Xasan Sheekh sidaas ka codsaday.

Sidoo kale, wararku waxa ay sheegayaan in kulan aan caadi aheyn ay wada qaateen Odayaasha, wasiiro, xigeeno iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka kaasi oo ay uga arrinsanayeen khilaafka labada mas’uul ee u sarreysay dowladda

Guuleed ayaa xiligaani arrintaasi wakiil uga yahay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna hayaa dhaqaale dhawaan laga soo qaaday dowladda Sacuudiga, taasi oo loogu tallo galay in lagu bixiyo Mooshinada lagu tuuraayo Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Beesha Habar-Gidir iyo beelaha kale ee Hawiye sida Mudullood ayaan illaa iyo hadda wax taageero ah u muujineyn Xasan Sheekh, ayaga oo ka carreysan siyaasaddii uu ku ogolaaday in Cabdi Weli uu dhul beesha ay degto sida Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka u saxiio maamulo kale.

Xasan Sheekh oo og in taageerada Hawye la’aan uusan tuuri karin Cabdi Weli, ayaa hadda wada dadaallo uu ku kasbanay beeshiisa, kadib markii uu horey u xumeeyey, waxaana uu wakiishay Guuleed isaga oo sido kalena ergo kale u diri doono beelaha kale ee Hawiye.

Halkan ka aqri 5 sababoo uu Xasan Sheekh ku lumiyey taageerada Hawiye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com