Qarax xooggan oo maanta ka dhacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya magaalada kismaayo, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan maamulka KMG ee Jubba qarax Bam lagula eegtay deegaanka Yoontooy ee gobalka Jubada Hoose, waxaana qaraxaasi ka dhashay qasaaro kala duwan.

Warar hordhac ah oo halkaasi naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Goob ay ku sugnaayeen ciidamada lagu tuuray Bam gacmeed, waxaana halkaasi ku dhaawacay ilaa Lix ka mid ah ciidamad Jubba.

Goobjooge ayaa soo sheegaya in qaraxa ka dib ciidamada Howlgal ay sameeyeen kusoo qabteen Afar qof oo lala xiriirinaayo in weerarkaasi Bam ku lug lahaayeen.

Xaaladda ayaa iminka ah mid degan, waxaana la arkayaa ciidamada Jubba oo heegan ku jira, sidoo kale waxaa yar dhaq dhaqaaqa dadweynaha ee deegaankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com