Ergo Hawiye ah oo isaga baxay shirka maamulka cusub lagu dhisayo ee ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in Odayaasha ka socda Beelaha Hawiye ay isaga baxeen shirka Maamul u sameynta sedexda Gobol ee Baydhabo kadib markii lagu yareeyay tirada Ergada.

Odayaasha Hawiye oo afar Xubnood laga siiyay ergada shirweynaha Maamulka sedexda Gobolka, ayaa waxa ay daboolka ka qaaden inaysan xaadiri doonin shirkaasi waxa ayna shuruud ka dhigeen in loo kordhiyo tirada ergada.

Beesha Hawiye oo kasoo horjeeda tirada laga siiyay Ergooyinka ayaa ku goodiyay inay is hortaagi doonaan talaabo waliba oo uu ku dhismaayo maamulka Seddexda Gobol, islamarkaana aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda.

Afhayeenka Gudiga farsamo ee Shirka Maamul u sameynta seddexda Gobol ee Baydhabo Siyaad Sheekh Cumar Sheekh Daahir ayaa sheegay maqnaanshaha dad gaar ah ay shirka ka maqan yihiin in aysan saameeyn ku yeelan doonin shirka Maamul sameynta mar hadiii aqlabiyadii ay joogaan.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Ujeedka shirka uusan aheyn in lagu qanciyo shaqsiyaad gaar ah, balse ay hiigsanayaan wadada ugu sahlan ee lagu heli karo maamul dhan waliba ka dhisan.

Dhanka kale, go’aanka ay Odayaasha ku diideen afarta Ergo ee la siiyay ayaa waxaa barbar socda buuq ay sameynayaan Beelaha kale ee shirka qeybta ka ah kuwaasi oo iyaguna ka biyo diidan Siyaasadaha ka socda Hoolka.

Si kastaba, Beelaha Hawiye ayaa horey u qaadacay shirkaas iyo in gobolka Shabeelaha Hoose la raaciyo maamulka la dhisayo, waxayna sheegeen in xubnaha ka qeyb galaya shirkaas aysan matalin beelaha Hawiye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com