XOG: C/WELI oo ka guuray xafiisyo uu ku dhex lahaa xarunta madaxtooyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxa uu ka guuray mid ka mid ah dhismooyinka uu ka degan yahay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxtooyada Magaalada Muqdisho oo dhismooyin fara badan laga dhisay, ayaa waxay ka kooban tahay dhismooyin badan oo gaar gaar ah, iyadoona uu Ra’iisal Wasaaruhu baneeyay Gurigii Martida, oo uu dejiyay Madaxweynaha Somaliya, markii uu soo magacaabay daba yaqaadii bishii December.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa Villa Somalia waxa uu ka deganaa ilaa saddex qaybood, kuwaa oo kala ah Gurigii Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Gurigii Martida iyo dhismaha xafiiskiisu uu ku yaalo.

Ra’iisal Wasaare C/weli oo laba xaasle ah, ayaa waxay mid ka mid ah degan tahay Gurigii Saacad, iyadoo midda kalana ay degan tahay dhismaha ka soo horjeeda albaabka hore ee Madaxtootada Muqdisho.

Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, ayaa maalintii Khamiista si rasmi ah u xiray laamiga ku yaala inta u dhaxeyso ilinka hore ee Madaxtooyada laga galo iyo hoyga ka soo horjeeda. Markii hore waxaa yaalay gaadiidka Cabdi Billaha, balse waxa uu xilligaan ku gooyay gawaarida qufulan ee Amisom.

Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa, iyadoo uu shalay galab Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliya General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, ayna jiraan warar sheegaaya in la qaarajiyay.

Sidoo kale waxaa la dhihi karaa waxay amuurtaan ku soo aaday, iyadoo Ra’iisal Wasaaruhu uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku eedeeyay in uu ka gaabiyay inuu la shaqeeyo, wuxuuna xilligaan diirada saarayaa, sidii uu daaqada kaga saari lahaa.

Xigasho: Dhacdo