Muxuu siyaasiga Salaad Cali Jeelle ka yiri khilaafka Xasan Sheekh iyo C/Weli?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka, ayaa waxa uu si adag uga hadlay Khilaafka sii baahaya ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare Cabdi Weli Sheekh.

Siyaasiga ayaa waxa uu sheegay in khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli uu u muuqdo mid sii baahaya waxa uuna tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in xal degdeg ah laga gaaro.

“Waxan u arkaa in Khilaafka labada mas’uul uu yahay mid hoos u dhac u keenay siyaasada, horumarka iyo rajadii laga qabay horumarka siyaasada. waxaa ii muuqaneysa in leysu hayo dano gaar ah waxaa loo baahan yahay in danaha gaarka ah ay ku ekaadan labadooda oo uusan saameyn xukuumada” ayuu yiri Jeelle.

Salaad ayaa waxa uu intaa sii raaciyay “Khilaaf waliba waxa uu ka dhashaa dano gaar ah oo leysu mari waayo sidaa darteed waxan ugu baaqayaa in meesha laga saaro nin jecleysiga iyo xurgufta hoose ee ka dhalatay isku shaandheynta golaha wasiirada”.

Siyaasiga Salaad Cali ayaa waxa uu labada gole DF ugu baaqay inaysan fiirsan Khilaafka ilaa heer caalami gaaray oo ay kasoo saaraan go’aano deg deg ah oo soo afjari kara Khilaafka.

Waxa uu Labada mas’uul ugu baaqay inay ka feejignaadan in khilaafkooda ay xal u raadin loo aado dalalka xiriirka la leh Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com