MUQDISHO oo qarax ku waabariisatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxa khasaaro geystay ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo lagu soo xiray walxaha Qarxa sidaana uu ku geystay Khasaaro nafeed kala duwan.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku Geeriyooday ilaa Seddex ruux oo goobta ku sugnaa, halka la sheegay in laba ruuxna uu kasoo gaaray dhaawac.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa mid lagu soo Xiray Gaari kuwa raaxada ah,inkastoo aan si toos ah loo sheegin Cida iska lahayd Gaariga Qaraxa lagu xiray.

Dhanka kale, Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray sida caadaduba aheyd Ciidamada DF Somalia oo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid kuwaasi oo durbadiiba goobta ka qabqabtay dad goobta qaraxa ku sugnaa oo looga shakiyay inay ku lug leeyihiin fulinta qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com