XOOSH JIBRIIL: Madaxweynaha waxaa laga rabaa inuu R/W u magacaabo qof ay isku fikir iyo isku mabda’ yihiin…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ahna Wasiirkii hore ee Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federalka, ayaa waxa uu difaacay Dastuurka Qabyo Qoraalka Somaliya, isagoona meesha ka saaray inay wax ka khaldan yihiin.

Khilaafaadka soo noq noqday ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, ayaa waxaa lagu sababeeyaa mid uu ugu wacan yahay Dastuurka Qabyo Qoraalka ee Somaliya loo sameeyay, si loogu dhaqo.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ku waramaaya inaanay jirin wax Dastuurka ka khaldan, isla-markaana uu isagu u arko inaysan waxba ka jirin eedeymaha joogtada ah ee markasta loo jeedinaayo.

Wuxuu kaloo sheegay in Dastuurka loo sameeyo inaanay dhicin Madaxweyne kiligii taliye isku bedela, sidaa darteedna waxoogaa awood ah la siiyey ra’iisul wasaaraha, isagoona khilaafaadka soo noq noqday Madaxda Dowladda ku macneeyay, xikmad la’aan aan jirin labada dhinac.

“Madaxweynaha waxaa laga rabaa inuu la yimaado xikmad ah qofka uu Ra’iisal Wasaare u magacaabaayo inuu ka soo dhigo, qof ay isku fikir iyo isku mabda’ yihiin. Ra’iisal Wasaaraha waxaa laga rabaa inuu la yimaado xikmad ah inuu garto in la soo magacaabay.” ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

“Madaxweynaha wuu soo magacaabi karaa Ra’iisal Wasaaraha, Baarlamaanka ayaana ogolaan kara, xilka kama qaadi karo Ra’iisal Wasaaraha, Baarlamaanka ayaana ka qaadi kara.” ayuu yiri isagoo ka qayb qaadanaayay Barmaamijka Dooda ee Laanta afka Somaliga ee VOA.

Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay xildhibaanada fikir ahaan raacsan madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com