Dhageyso: Baaritaanka meydka taliyihi Booliiska oo ay natiijo ka soo baxday

Nairobi (Caasimada Online) – Natiijo horu-dhac ah ayaa xalay kasoo baxday baaritaanka lagu sammeynayo meydka taliyihii hore ee ciidamada booliiska Soomaaliya General Maxamed Xasan Sheekh Ismaaciil, oo dorraad loo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Taliyaha, ayaa waxaa shalay galab lagu baaray isbitaalka Nairobi Hospital ee magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku baarayaan dhaqaatiir u dhashay dalka Kenya. Baaritaanka waxaa goob joog ka safaaradda Soomaaliya ee Nairobi iyo Ambassador Maxamed Cali Ameeriko.

Meydka taliyaha ayaa waxaa lagu sammeeyey baaritaan horu-dhac ah, oo qaatay muddo laba saac ah, sida uu magaalada Nairobi kasoo weriyey weriye Xasan Cali Geeseey, oo ah agaasimaha idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.

Xasan Geeseey oo soo xiganaya ilo-wareedyo dhowr ah ayaa sheegay in natiijada horu-dhaca ay xaqiijisay in meydka taliyaha laga waayey wax astaamo ah oo muujinaya in la sumeeyey. Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu ogaaday in taliyaha uu u geeriyooday wadno xanuun.

Caasimada Online, ayaa shalay werisay xog gaar ahayd oo ku saabsan in taliyaha uu wadno-xanuun u geeriyooday, waxaana haddii arrintan xaqiiq noqoto ay caddeyn u tahay, sida ilo-wareedyada Caasimada Online ay xog-ogaal u yihiin.

Xasan Geeseey waxa kale oo uu sheegay in meydka taliyaha maanta dib loogu soo celin doono Muqdisho.

Natiijada horudhac ah weli si rasmi ah looma shaacin, waxaana la filayaa in dowladda Soomaaliya loo soo gudbiyo, kadibna ay ku dhowaaqdo.

Haddii ay caddaato in taliyaha wadno-xanuun u geeriyooday, waxa ay ceeb ku noqon doontaa ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo la sheegay in isaga uu billaabay tuhunka summeynta, dad bandanna uu ugu xir xiray Muqdisho.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Xasan Cali Geeseey.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com