Xog: Xasan Sheekh iyo Prof. Geedi oo dib u kala furtay kadib markii Faarax…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Aqalka looga arrimiyo dalka, ayaa sheegaya inuu xumaaday xiriir Siyaasadeedka ka dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi.

Wararku waxa ay hoosta ka xariiqayaan in Khilaaf hoosaadka ka dhexeeya uu yahay mid dhashay kadib markii Xasan Sheekh uu ka baxay ballan uu ka qaaday Cali Geedi taa oo la sheegay inay aheyd xil u magacaabista Safaarada Somalia ay ku leedahay dalka Britain.

Xasan ayaa ku gacanseeray ballanta uu ka qaaday Geedi, waxa ayna taasi sababtay in Prof Geedi uu isaga tago gabi ahaan Xarunta madaxtooyada Somalia isagoona dib ugu laabtay halkii uu ka imaaday ee Nairobi, sida ay xogtu sheegeyso.

Sidoo kale Cali Geedi ayaa Ergooyin isugu jira Mas’uuliyiin iyo Odayaal u diray madaxweyne Xasan, balse ma aysan suuragalin in Xasan uu muujiyo wax tajo ah oo Geedi uu ku farxo.

Geedi oo muddo mucaarad ku ahaa Xasan, ayaa dhowr bil ka hor soo degay Villa Somalia, kadib markii ballan qaad loo sameeyey loona sheegay inuu joojiyo mucaaradnimada.

Ilo-wareed ayaa sheegaya in Faarax C/qaadir uu laaday damacii uu Xasan Ssheekh ka qabay in Cali Geedi loo magacaabo Danjiraha Somalia ee dalka Britain, waxaana iminka madaxweynaha miiska u saaran shaqsi kale oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Dam-Jadiid islamarkaana in mudo ah la soo shaqeeyay Hay’ada QM.

Dhanka kale, Safaarada Britain waxa ay xiligaani kamid tahay safaaradaha ay sida gaarka ah isha ugu hayaan Dam-jadiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com