Xog: R/W CC iyo Uhuru Kenyatta oo xalay shiray iyo CCC oo loogu cadaadiyey inuu aqbalo in…

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa xalay kullan albaabada ay ku xiran yihiin ku yeeshay magaalada Nairobi.

Kullanka oo saxaafadda aysan goob joog ka ahayn, ayaan la ogeyn waxa looga hadlayo, ayada oo Cumar Cabdirashiid uu xiriir dhow la lee yahay madaxda Kenya.

Wararka qaar waxa ay sheegayaa in Cumar Cabdirashiid lagu cadaadinayo in dowladdiisa ay ka laabato dacwadda badda ee Soomaaliya ay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, ayada oo Cumar uu ku wajahan yahay magaalada New York.

Xubno ka mid ah waftiga ra’iisul wasaaraha oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online soo gaarsiiyey qaar ka mid ah sawirro ay ka qaadeen labada nin kadib kullankoodii.

imageimageimageimageimage