Xog: Kulan dhabarka looga toogtay Galmudug & Hawiye oo Nairobi ku dhex maray CCC iyo IGAD

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaalia Cumar Cabdirashiid ayaa xalay magaalada Nairobi kullan qarsoodi ah kula yeeshay wafti ka socda urur goboleedka IGAD iyo maleeshiyada Ahlu-Sunna.

Kullanka ayaa waxaa Cumar Cabdriashiid ku wehliyey xubno ay isku beel ahaayeen, waxaase yaab lahayd in laba wasiir oo Hawiye ah oo la socday oo kala ah Cabdiraxmaan Ceynte iyo Cabdiraxmaan Odowaa uu ra’iisul wasaraaha ka codsaday in kullanka noqdo mid isaga u gaar ah.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kullanka lagu gaaray heshiis qarsoodi ah oo dhabarka ka toogtay madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed iyo maamulkiisa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kullanka ku aqbalay soo jeedinta ururka IGAD oo ahayd in dowladda ay si toos ah ula macaamisho ururka Ahlu-Sunna oo ku xiran dowladda Ethiopia iyo maamulka Puntland, loona aqoonsado awood ka jirta gobollada dhexe.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in dowladda ay ergo u dirto shirka ka dhacay Dhuusomareeb oo Ahlu-Sunna ay dooneyso in maamul ay ku dhisto, laguna qasbo Galmudug inay wada hadal la gasho maamulkaas marka uu dhismo kadib.

Shirka Dhuusomareeb ayaa waxaa wadda dowladda Ethiopia oo ay ka go’an tahay in Ahlu-Sunna loo gacan geliyo gobollada dhexe.

Qorshaha cusub ee ra’iisul wasaare Cumar, ayaa waxaa isla wadaga isaga iyo beeshiisa, waxaana ujeedka kama dambeysta ah ee laga lee yahay uu yahay in la carqaladeeyo halka maamul goboleed ee u dhisan beelaha Hawiye, inta laga gaarayo doorashada 2016-ka.

Shirqoolka Cumar Cabdirashiid ayaa yimid maalin kadib markii Caasimada Online ay shaacisay in Puntland ay ka baxday shirkii looga arrinsanayey 2016-ka ee ka socday Muqdisho, ayada oo ku dooday inaysan aqbali karin in Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Jubaland ay isku ergo noqdaan, oo ay qaataan min 150.

Puntland waxa ay dooneysay in ayada iyo Jubaland ay ka ergo badsadaan labada maamul ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, balse laga diiday.

Sadbursiga Cumar Cabdirashiid iyo beshiisa weli waa socda, laakiin Xasan Sheekh iyo Guuleed ma ku baraarugsan yihiin?

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com