Cali Geedi oo weerar ku qaaday dowladda Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ka qeyb galay aas maaanta magaalada Muqdisho loogu sameeyay xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo xalay u dhintay dhaawac loogu geystay magaalada Muqdisho.

Cali Geedi, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilka loo geystay xildhibaanka wuxuuna laamaha amaanka ka dalbaday in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay xildhibaanka baarlamaanka.

Isaga oo ka hadlayay amni darada magaalada Muqdisho ayuu Cali Geedi, sheegay in amni darada magaalada Muqdisho ay masuul ka tahay xukuumada Soomaaliya, maadaama aysan xaqiijin amaanka Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumada aysan masuuliyad weyn iska saarin sugida amaanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo cambaareeyay dilkii loo geystay xildhibaan Gurxan.

Dhanka kale ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carta oo ka qeyb galay aaska xildhibaanka maanta la duugay ayaa sheegay iney ku raaad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka xildhibaan Gurxan.

Maalintii shalay ayay aheyd markii xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan lagu dhaawacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, iyadoo xalay uu u dhintay dhaawacii cuslaa ee soo gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com