Ajaaniib maanta lagu kala wareegsaday XAMAR!!

Muqdisho(Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa Safaarada Iran ee Somalia ku wareejiyay 4 Iraaniyiin ah oo laga soo furtay Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.

Wasiirka ayaa sheegay in Muwaadiniinta ka soo jeeda Dalka Iran lagu heystay meel u dhow Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia isagoona tilmaamay in haatan lagu raadjoojo 9 kale oo iyana loo heysto afduub ahaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Maamul Goboleedka Galmudug oo weerar qaaday ayaa gacanta kusoo dhigay Ajaanibtaani kadib markii ay ku duulaan tageen xogo ay ka heleen sirdoonkooda.

Dowlada Iran ayaa mahad celin gaar ah u jeedisay DFS iyo Maamulka Galmudug, waxaana la sheegayaa in diblumaasiyiin ka socda Dowladaasi ay dhawaan soo gaari doonaan Muqdisho si ay u kaxeystaan Muwaadiniintaani Afduubka loo heystay.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com