Xog: R/W CCC oo xukuumadda cusub kusoo dari doona siyaasi horey xilkiisa ugula loolamaayay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku howlan dhismaha Xukuumada cusub ee badali doonta tan hadda jirta ayaa waxaa lasoo warinayaan in Xukuumadaasi uu doonaayo inuu kusoo daro Wasiirkii hore ee Maaliyada Xusein Cabdi Xalane.

Wasiirkii hore ee Maaliyada Xusein Cabdi Xalane oo saaxiib dhow la ah Xassan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu kasoo dhexmuuqdo Xukuumada Cusub kadib markii Madaxweyne Xassan uu amray in lagu darro liiska wasiirada cusub.

Xusein Cabdi Xalane ayaa Cumar C/rashiid kula loolamaayay Xilka Ra’isul wasaarenimo, inkastoo saacadihii ugu danbeeyay uu Madaxweyne Xassan doorbiday in Cumar uu ka dhigto Ra’isul wasaaraha dalka, sababo la xiriira culeys kaga imaaday dhanka Beesha caalamka.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu u yeeray Xusein Cabdi Xalane si wax looga weydiiyo Wasaarada uu dusha saarankaro Mas’uuliyadeeda.

Xassan Sheekh ayaa iminka xooga saaraya sida uu ku heli lahaa Siyaasiyiintii saaxiibada u ahaa oo ay ku kala lumen dhismaha Xukuumada hadda shaqeeysa kadib markii BF ay diiden in dib loo soo celsho shaqsiyaadka Xassan ku dhow dhow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com