Odowaa oo qanciyey dadkii diidanaa qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in lasoo afjeeray khilaafkii ka dhashay soo xulista gudiga Farsamada maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone, oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in lagu guuleystay dhameynta xiisadii ka dhalatay gudiga Farsamada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ka koobnaa 14 xubnood

Qoone, ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha dowlada Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah ku bixisay dhameynta iyo qancinta dadka kasoo jeeda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, maadaama ay saluugsanaayeen qaabka gudiga loosoo xulay.

C/raxmaan Maxamed Xuseen ODowaa, ayuu sheegay inuu sameeyay dadaal badan oo dadka lagu qancinayo loona sheegayo in gudiga Farsamada uusan aheyn xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi, balse ay yihiin dadkii kaliya howsha fududeyn lahaa.

“Waa wax aan soo dhaweynayo qaabkii wasaarada arimaha gudaha usoo afjartay kala aragti duwanaanshihii laga qabay xubnaha gudiga Farsamada maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe”Ayuu yiriXildhibaanka.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com