Xog: Khilaafka Jawaari iyo CC oo laba kacleeyay iyo arrin xasaasi ah oo la isku fahmi la’ yahay !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in iminka uu soo ifbaxay Khilaaf Ra’isul wasaare Cumar kala dhexeeyo Gudoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Khilaafka ayaa la tilmaamayaa inuu salka ku hayo Xubnaha Jawaari Beeshiisa u matali lahaa Wasiirada cusub ee lagu wado in dhawaan lagu dhawaaqo.

Jawaari ayaa kasoo horjeeda in Xubinta Beeshiisa ay soo xushaan Odayaasha Raxanweyn, halka Ra’isul wasaare Cumar uu ka doonaayo in Xubintaasi uu kala tashto Mas’uuliyiin uu kamid yahay Shariif Xassan iyo Odayaasha laf dhabarka u ah Beeshaasi.

Jawaari ayaa isaga la sheegay inuu doonaayo in Xubinta Beeshiisa u mataleysa Golaha wasiirada Cusub uu ka dhigo nin ay qaraabo hoose yihiin, halka Cumar C/rashiid uu taasi kasoo horjeedo.

Khilaafkaani ayaa sababay fashil ku yimaaday ilaa dhowr kulan oo ay wada qaaten Xassan Sheekh, Jawaari iyo Cumar C/rashiid.

Madaxweyne Xassan ayaa wado qorsho uu ku xalinaayo Khilaafka waxaana laga dhowr sugayaa dib usoo laabashada Ra’isul wasaare Cumar.

Dhanka kale, Jawaari ayaa isaga caqabad xoogan kala dhexeysaa Siyaasiyiin dhowr ah oo kasoo jeeda beeshiisa, waana tan keentay in Beeshaasi ay ku loolamaan xubintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com