Gudiga doorashooyinka 2016 oo si farsameysan shaqada looga wareegay kuna soo koobmay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Soomaaliya oo howlihiisii ku soo koobmeen inuu socdaallo joogto ah mar waliba ku tago dalalka dunida ee doorashooyinka ka dhacayaan xilli howshoodii ay u xil saarnaayeen ay la wareegeen madaxda maamul goboleedyada iyo Madasha Wadatashiga Qaran.

Xubnaha Guddiga ayaa dhowaan tegay dalka Tanzania iyagoo korjoogto ka ahaa doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi iyagoo ku qaatay muddo laba toddobaad, isla markii guddigu ku soo laabtay ayaa haddana waxay u duuleen dalka Turkiga oo doorashadii Baarlamaaniga ahaa ee ka dhacay dalka Turkiga ay kor joogto ka ahaayeen.

Guddiga Doorashooyinka ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho markii ay safarradaasi ku mashquuleen muddo bil ku dhowaad ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) oo guddiga hogaaminaysay ayaa warbaahinta u sheegtay inay wax badan ka soo kororsadeen doorashadii ka dhacday dalka Turkiga, isla markaana ay guddigooda diyaar u yihiin inay ku dabaqi doonaan howlahooda.

Guddiga Doorashooyinka oo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda inay howlgab yihiin waxaana shaqadii doorashada iyo qaabka dalka looga hirgelin karo kala wareegay madasha wadatashiga oo ay dhiseen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira oo qaarkood aysan aqoonsaneyn guddiga.

Caasimada Online
Xafiiska Mqudisho
Caasimada@live.com