28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: CC oo fadeexadii ugu weyneyd ku dhex qabsatay xafiiskiisa kadib markii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid uu la kulmay Fadeexad kadib markii kulan uu u qabanayey xildhibaanada cusub ay soo xaadiri waayen intooda badan.

Kulanka ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka qabsoomi rabay Xafiiskiisa waxaana kulankaasi ku imaaday fashil kadib markii ay ganbiyeen Xildhibaanada uu Sharmaarke la ballansanaa.

Xildhibaanada kulanka ku marti qaadnaa ayaa waxaa tiro ahaan lagu sheegay 21 Xildhibaan, oo gabi ahaantooda aan soo xaadirin kulanka.

Kulanka fashilmay ayaa waxa uu qorshihiisu ahaa in lagu gorfeeyo Doorashada Somalia, waxa uuna Cumar C/rashiid doonaayay in Xildhibaanadaasi uu weydiisto codkooda.

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ayaa iminka u go’ay dhanka Madaxweyne Xasan, waxa ayna tani fashil u horseedi doontaa Cumar C/rashiid.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda ololo xoogan oo u dhexeeya Musharaxiinta u taagan qabashada Madaxweyninimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News