Boosaaso (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Cumar C/rashiid Cali oo weli kusugan deegaanada Puntland ayaa waxaa lasoo sheegayaa in iminka uu uguda galay xalinta khilaafaadka ka dhextaagan Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Galan.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa dadaal xoogan ku bixinaaya sida lagu soo afmeeri lahaa Colaad Siyaasadeedka u dhexeeya Gaas iyo Galan.
Sharmaarke ayaa xiriiro horudhac ah ka dhex sameeyay Gaas iyo Galan, waxaana lasoo sheegayaa in Seddexda mas’uul ay isku arki doonaan Deegaanka Carmo oo saldhig u ah Galan iyo Ciidamo isaga u gaar ah.
Socdaalka Sharmaarke ee deegaanada Puntland ayaa qeyb ka ahaa xalinta Khilaafka Gaas iyo Galan, waxaana la sheegayaa in dalabka xalinta khilaafka uu ka imaaday dhanka C/wali Gaas.
Mr Galan oo horay u ahaan jiray Guddoomiyihii Gobolka Bari, ayaa aad kaga soo horjeeda Siyaasada C/wali Gaas, waxa uuna goor hore shaaca ka qaaday inuu dhulka dhigi doono daaraha uu magaalada Garoowe kaga harsado C/wali.
Sharmaarke ayaa lagu wadaa in deegaanada Puntland uu kasoo dhammaan doono xalinta khilaafka kadib, waxa uuna sidoo kale Sharmaarke halkaasi kawadaa ololo xoogan.
Dhinaca kale, C/wali Gaas iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Mr Galan, ayaa si hordhac ah uga wada hadlay qadka Telefoonka, iyagoo ku balamay kulan is arag ah.
Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

