Xog: Sababta keentay in 3 Xildhibaaan oo Abgaal ay ku biiraan qaswdayaasha

Waxaan rabaa inaan Nimankan Saddexda ah iftiimiyo Ujeedooyinka ay Madaxweynaha Diidmadiisa ka doonayaan, waxaanan soo qaadanayaa Hadalo iyaga qudhooda ay sheegeen oo Dad iyaga ku dhaw aan kasoo xigtay, iyo waliba Sirro qarsoon oo xog-ogaalku iigu sheegay inay Sabab u yihiin Mucaaradnimada Dadkan.

Waxaase la yaab leh nimanka Qasawadaasha ah sida ay u soo xusheen sadaxdaan nin oo ka soo kala jeeda sadaxda Jilib ee Beesha Abgaal ugu tunka weyn.

1-Cumar Finish Wacbuudhan
2-Cabduqaadir Macalin Nuur Waceysle Abgaal
3- iyo Cabduqaadir Cosoble Harti Abgaal

1. Cumar Finish: Wuxuu ku jiray Hogaamiya Kooxeedyadii Dalka burburkiisa sababta weyn u ahaa, wuxaana uu ku soo shaac baxay dagaalkii sokeeyaha ehel wadaaga ahaa ee xasuuqii degmada Madiino kaasoo kumanaanka Shacabka ah lagu laayey Waqtiga dheerna hor taagnaa Dowlad dhalata.

Inuu Baarlamaanka soo galo waxaa kaalmeeyay Waqtigii markaas jiray iyo is-jiid jiidkii la wada ogaa ee Madaxdii Dowladii tan ka horeysay ka dhex jiray, oo ku kaliftay Mas’uul kastoo Dowladaas ka tirsan inuu ku dadaalo siduu Xubno badan ugu yeelan lahaa Baarlamanka, isagoo ka duulaya inaan hadhoow looga cod badin Doorashada Madaxweynaha oo ay Madaxdaasu intooda badan u sharaxnaayeen.

Cumar Finish oo qaabkaas kusoo galay Baarlamanka, ma uusan garan Shaqsiyadiisa, mana ku dadaalin inuu bal Sumcadiisa Xilliga soo socda wanaajiyo, ee uu Siyaasadda Dalka dhanka wanaagsan ugu adeego, iskana dhaqo Ceebta iyo xumaanta kasoo raacday Maalmihii Maliishiyaadka. Balse taas badalkeeda wuxuu iminka Shaarka u siibtay inuu Dowladda burburiyo, Madaxweynahana diidmo qayaxan oo aan Sabab muuqata lahayn uga horyimaado.

Dad arrintiisa la socda, waxay ii sheegeen inuu Cumar danaynayay in Gudoomiyaha Degmada Wada-Jir oo Axmed Daaci laga qaaday loo dhiibo Shaqsi uu isagu watay, balse markii taas ay suurtoobi wayday ayuu Cumar ka hor yimid Madaxweynaha iyo Dowladaba. Waa yaabe ma wuxuu mooday in Dowladdu ay tahay sidii Maamuladii Maliishiyaadka hoos imaanayay ee uu Cumar ka tirsanaa?

Waxaa kaloo la ii sheegay, in Cumar dhowr jeer oo uu doonay inuu Madaxweynaha Hoygiisa ugu tago, laga horjoogsaday, loona sheegay inuu Madaxweynuhu Howl qaran ku jiro. Arrintaas ayuuna Mudane Finish ka carooday una go’aansaday inuu Mucaaradnimo lasoo baxo.

2. Cabdulqadir Cosoble Cali: Wuxuu Baarlamaanka ku soo galay laaluush aan xadkiisa la shaacin balse aad u tiro badnaa kuna kala aamusiyey jufadiisa lacago aan xad laheyn, Siyaasadda wuxuu Magac muuqda kusoo yeeshay markii Doorashadii dhawayd ee uu Madaxweyne Xassan kusoo baxay ka qayb galay, wuxuuna ahaa ninii loo adeegsaday dhabar jibintii ugu weynayd ee Dowladdii Sheekh Shariif.

Waqtigii hore, Cabdulqadir wuxuu ka tirsanaa Raggii Dekeddii Ceel-Macaan xoogga ku heystay oo Rag isaga heybtiisa ah ay iska Maamulan jireen, taasoo uu lacago badan ka heli jiray oo aan xisaab laheyn sidoo kale waxaa uu lunsaday lacago badan oo dhanka UNDP ay laheyd, wuxuuna Baarlamaanka u galay si aan loola xisaabtamin.

Dad Cabdulqadir Cosoble ku dhaw ayaa ii sheegay, in dhawaan uu ku fashilmay in Shirkad uu isagu leeyahay oo Supreme la yiraa ay sii wadato Howlo ay Gacanta ku heysay oo la xiriiray bixinta Arrimaha Logistic-ada Dekedda Muqdisho, gaar ahaanna Shidaalka iyo waxyaabaha kale ee AMISOM iyo Hey’ado kale oo Dowladda Ood-wadaag la ah ay u baahanyihiin.

Cabdulqadir oo ka careysan Fursadaas Ganacsi ee Shirkadiisa laga horjoogsaday, ayaa door biday inuu Jalaafo la doon doono Madaxweynaha si Dowladdaba looga taqaluso. Ma Dan gaar ah buu Dantii guud ee uu Dibutaatiga u ahaa ku diiday? waxaa kaloo kaaga daran waxaa lagu beer laxaawsaday, in baarlamaanku isaga dooran doonaan oo uu kursiga Xasan ku fariisan doono , markaas kadibna uu dalka iyo dadka siduu doono ka yeelan doono.

3. Cabdulqdir Macalin Nuur: Wuxuu Siyaasadda kusoo xoog yeeshay Maalmihii Lixda Qof ee Saxiixayaasha Roadmap-kii Siyasadda Soomaaliya lagu saleeyay la sameynayay. Shariif Sheikh Axmed oo Madaxweynihii Dalka ahaa waqtigaas ayaa Sabab kasta oo ku kaliftaba, Cabdulqadir Macalin uga yeeray Yurub, si isagoo Magaca Ehlu Sunna Wal-Jameeca wata uu Saxiix ugu yeesho Aayaha Dalka.

Cabdulqadir waxaa dhalay Wadaadkii caanka ahaa ee Dariiqooyinka Suufiyada qiimaha wayn ku lahaa, waa Sheikh Macalin Nuur Maxamed Siyaad.

Waxay Dadka Cabdulqadir ku dhaw xaqiijiyeen, in Dano Ganacsi oo laga horjoogsaday dartood uu Madaxweynaha u diidayo. Gaar ahaanna waxaa la hubiyay in Baabuur kuwa aan Xabaddu Karin ah oo uu Cabdulqadir doonayay inuu Dekedda Muqdisho kalasoo baxo si uu Ganacsi uga sameeyo, ay Dowladdu ka hor joogsatay, maxaa yeelay Baabuurta aanay Xabaduhu Karin ma haboona in Suuqyada lagu iibiyo, waxayna tahay inay Madaxda Dalku un u isticmaalaan fududeynta Howlaha Qaranka.

Hadii Suuqa la geeyana waxaa hubaal ah in Kooxaha isqarxiya ay soo adeegsanayaan oo iyagoo in Xabad lagu dhufto aan ka baqayn ay si Nabad ah Xarumaha Dowladda ulasoo galayaan.

Mar kale oo Cabdulqadir Dad la sheekeystay aan xooraansadayna, waxay ii sheegeen inuu aad uga careysanyahay Madaxweynaha Qaranka oo uu Dhowr jeer Telfoonka ka wacay balse uu Jawaab ka waayay!! Waa su’aale, hadii Telfoonka lagaa qaban waayo, ma waxaad iloobeysaa Mas’uuliyaddii kaa saarneyd ilaalinta Danta Dalka iyo Dadka oo ah inaad Dowladnimada dhismaheeda ku dadaasho intii aad dumin lahayd?

Qaswadaasha ayay fursad u noqotay danaha gaarka ah ee sadaxdaani xildhibaan ee Abgaal, waxaana loo adeegsaday in ay deegaankooda iyo dadkooda duleystaan.

Iskusoo wada duube, Cid kasta oo Caqli leh way u muuqataa in Diidmada Madaxweynaha ay ka dhalatay Dano gaar ah oo ka horjeeda Danta guud. Hadii Madaxweynuhu Dhaliil leeyahayna, Dadkoo dhami way garanayaan inaanu isaga kaliya Dhaliisha dusha u ridaneyn, ee Xildhibaanada iminka wax diidaya qudhooda ay Eedeysanayaal yihiin, maxaa yeelay Sharciga Dalka iyagaa Awoodda ugu xoogan siiya, hadii ay wax toosin doonayaanna ma dhici karto in laga horyimaado. Markaa in Sanad iyo dhowr Bilood wax muuqda la qaban waayo, waa Ceebta Xildhibaanada, ee maaha kaliya Ceebta Madaxweynaha ama tan Golaha Wasiirada.
Wixii hada ka dambeeya, Shacabku waa inuu il gaar ah ku eegaa Xildhibaanada iyo tallaabooyinka ay qaadanayaan, waana in aan la ogolaan inuu Dalku kusii jiro Xaaladihii burburinta iyo Qas-abuurka ee lagusoo gubtay.