Xog: Sababta Puntland ku kaliftay inay door dhex dhexaadnimo ka qaadato rabshadihii MUQDISHO

Garoowe (Caasimada Online) – Qoraalkii kasoo baxay maamulka Puntland ee ay ugu hadashay mashaqadii ka dhacday magaalada Muqdisho 24 saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay is-weydiimo badan.

Baaris ay sameysay Caasimada Online ayaa waxay ku ogaatay labo qodob oo ku kalifay in Puntland ay ku raaci weydo go’aanka Jubaland ay ka qaadatay dhacdadii Muqdisho, halka Jubaland ay si caro leh oo qeexan ugu hadashay.

Inkastoo Midowga Muraxashaxiinta iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Dani saaxiibo isku dhow ay yihiin, haddana waxaa jira culeys dhinacaa beesha caalamka oo Puntland lagu saarayay inay muujiso door dhex-dhexaadnino iyo isku soo dhowaansho ah, si ay qeyb ugu qaadato xal u helida arrimaha doorashooyinka, waxaana saacadihii lasoo dhaafay wakiilada beesha caalamka culeys xooggan saarayeen Puntland si arrinta u noqon mid sii fogaato.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wakiilada beesha caalamka iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu qanciyay in arrinta uu qaboojiyo, si aan loo arkin mid ay ka wada siman yihiin Puntland iyo Jubaland diidmada iyo mucaaradnimada xal lala galo dowladda waqtigeeda dhamaaday ee Farmaajo.

Madaxweynaha Puntland iyo wakiilada beesha caalamka ayaa wada hadalkooda oo dib loo balamay ay noqon doonaan kuwo sii socda iyadoo wararkeena danbe aan idinkula wadaagi doono warbixino hordhac ah oo aan u baahanahay inaan soo dhameystirno.

Dhinaca kale, Jubaland waxaa haysta daruuf gooni ah oo isugu soo dhowaan karin Farmaajo halka Puntland daneyneyso in lagu gudbo buuqa iyo in la helo doorasho Farmaajo kusoo noqon. Waxayna Jubaland si qayaxan u shaacisay mowqifkeeda weerarkii habeen hore lagu qaaday madaxweyneyaashii hore iyadoo ku tilmaamtay inuusan waxba kaga duwaneyn midkii lagu soo qaaday gobolka Gedo.

Arrimahaan iyo wixii kusoo kordha wararkeena danbe isha ku haay.