Xog: Ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray oo laga soo dejinayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ciidamada dowladda federaalka tababarka ugu dirtay dalka Eritrea lagu wado in toddobaadkan ay kasoo degaan garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Soomaaliya ee tababarka loogu diray Eritrea saacadihii lasoo dhaafay soo bixitaankooda lagu diyaarinayey caasimada Asmara, ayna sugayaan duulimaadkii kasoo dejin laheyd Muqdisho.

Ciidamadaan oo dowladdau qorshuhu ugu jiray in si gaar ah u adeegsado ayaa la sheegayaa in laga yaabo in isla maanta, berri ama maalinta xigta soo gaaraan Muqdisho ayada oo qorshuhu yahay in si deg deg ah loo howlgeliyo.

Lama oga in marka ay soo gaaraan Muqdisho inay toos u abaari doonaan qoysaskooda maadaama mudo sanado ah ka maqnaayeen iyo in lagu amri doono inay fuliyaan awaamiirta iyo ujeedooyinkii loo soo tababaray.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamadaan qiyaas ahaan tiro 70 dhan ay kusoo dhinteen dalka Eritrea mudadii tababarka xaalado kala duwan, kuwaasi oo qaarkood waalidiintooda aysan ka war qabin.

Horay ayaa dowladda federaalka loogu eedeeyay in ciidamadaan sifo sharciga waafaqsaneyn loogu qaaday dalka Eritrea iyadoo lagu qiyaameeyay in shaqaale ahaan loogu qaadayo dalka Qatar, taasoo ay dowladda Qatar beenisay, kuna baaqday in baaritaan dhab ah laga sameeyo tallaabadaasi.

Ali Muhiyaddiin Cali
Caasimada Online, London Desk