Jubaland oo shaki-gelisay ka qeyb-galka shirka Xamar

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka iyo arrimaha soo kordhay, gaar ahaan xiisada magaalada Muqdisho.

Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay ka fiirsaneyso ka qeyb-galka shirka ka dhacaya caasimada ee uu iclaamaiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, maadaama ay soo korortay xaalada amni oo ka jirta Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda la dhigay waddooyinka, islamarkaana ay ka fiirsan doonaan tagistooda caasimada.

“Mar haddii aysan is fahamsaneen dadkii wax wada lahaa waa in aan ka fiirsanaa tagista Muqdisho & ka qaybgalka Shirka, Ciidamadii & Siyaasadiinta haddiiba ay kala qaybsameen waa in aan marwaliba ka fiirsanaa tallaabooyinka aan qaadeyno oo ku xiran mowqifkeena,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland.

Puntland iyo Jubbaland oo horey warsaxaafadeedyo ay usoo saareen ku cambaareeyey rabashadihii ka dhacay Muqdisho iyo dibad-baxa laga hor-istaagay mucaaradka.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan xaaladda dalka ay aad u cakiran tahay, islamarkaana uu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga golaha qaranka.