Xog: Saciid Deni oo isagoo carreysan la xiriiray Kheyre, kana dalbaday sharraxaad

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si aad ah uga carrooday hadalkii kasoo baxay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ee ku aadanaa imtixaanaadka dugsiyada Puntland, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Cabdulaahi Goodax Bare ayaa sheegay in uu fashilmay Imtixaankii Puntland oo shalay si rasmi ah loo daahfuray, isaga oo yiri “Imtixaan waa fashilmaa, saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay.”

Hadalka Goodax ayaa sida la sheegay aad uga yaabiyey ugana carreysiiyey madaxweyne Deni, maadaama aysan jirin inta la ogyahay imtixaan fashilmay oo baahay.

Deni ayaa la sheegay inuu xiriir deg deg ah la sameeyey ra’iisul wasaare Kheyre kana dalbaday in wasiir Goodax sharraxaad buuxda ka bixiyo hadalkiisa “dhaawaca xooggan ku ah sharafta imtixaanka Puntland.”

Deni ayaa sida la sheegay hadalka Goodax u arkay mid ku talo-gal loogu dhaawacayo imtixaanka Puntand, maadaama Puntland kaga guuleysatay Goodax dooddii horey u dhex-martay labada dhinac, kadib markii Puntland diiday inay qeyb ka noqoto Imtixaanaadka wasaaradda waxabarshada Soomaaliya.

Puntland oo markii horey ku dooday inaysan aamini karin hanaanka dowladda Soomaaliya ayaa warkeedu rumoobay markii uu fashiilmay imtixaankii dowladda oo suuqyada laga helay, waxaana hadalka Goodax loo arkay mid lagu xumeynayo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com