Somaliland dhab kama ahan gooni isu-taagga, waxaana caddeyn u ah arrintan…!!

Somaliland waxaa ay muddo badan u sheegaysay shacabkeeda in ay baadi goob ugu jiraan aqoonsi caalami ah in ay u helaan maamulka u dhisan iyadoo wakiilo dhammaystiran ay ku leeyihiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida Aqalka sare, Golaha wasiirada, Danjireyaasha Federaalka, Guddiyada madaxa bannaan ee Federaalka iyo shaqaalaha Federaalka ee Hay’adaha dowliga ah ka shaqeeya.

Shacabka ku nool Somaliland waxaa waajib ku ah in ay isweydiiyaan cidda sida dhabta ah ugu matasha aayo ka talintooda rasmiga ah?

Wakiillada Federaalka ku matala Somaliland ayaa sheeganaya in ay si dhab ah u matalaan shacabka Somaliland, saxiixa metelaadda oggolaanshana ka haysta odayaasha beelaha dega Somaliland, islamarkaana maamulka Hargaysa dood iyo eedba ka qabin wakiillada Federaalka ee Soomaliland ku matala.

Maamulka Hargaysa waxaa u dub dhexaad u ah Odayaasha dhaqanka ee beelaha deggan Somaliland, odayaasha beelaha waxaa ay u taagan yihiin xalinta khilaafyada ka mugga weyn siyaasiyiinta iy xisbiyadaba, waxaana xaqiiq ah in ismari-waa badan ee hore uga dhex dhacay xisbiyada ay xalliyeen Odayaasha dhaqanka Somaliland, sharciyadda uu haysto maamulka Somaliland waxaa ay ku tiirsan tahay garbaha Odayaasha dhaqanka beelaha Somaliland.

Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaliland deggen waxaa ay soo wakiisheen siyaasiyiin ku matesha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wakiillada Soomaalilnd u jooga Muqdisho waxay haystaan oggolaansho lamid ah kan Hargaysa ka shaqeeya ee Odayaasha ducadooda ku howlgala. Maamulka siyaasadda ee Hargaysa waxaa quseeya oo kaliya amniga iyo xasilloonida kajirta deegaannada ay maamulaan,  qadiyadda madax banaanida Somaliland waxaa weli si buuxda u aqbalin Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaliland.

Masiirka shacabka ku nool deegannada Somaliland kuma xirna calanka buluugga ah ee laga mamnuuco Hargaysa ee wuxuu ku xiran yahay in si run ah oo dhammaystiran looga guuro Muqdisho siyaasad ahaan islamarkaana Odayaasha dhaqanka beelaha Somaliland iyo dhammaan siyaasiyiinta u dhashay Soomaliland ee jooga Hargaysa in siwadar ah u caddeeyaan in aanan lagu matalin dhammaan hay’adaha Federaalka ah Soomaaliya isla markaana siyaasiyiinta Muqdisho joogana kala noqdaan aqoonsiga matalaadda Somaliland.

Waddada loo maro kalataga Soomaliland iyo Soomaaliya waa wado cad oo fudud isla markaana u sahlan haddii ay dhab ka tahay Somaliland in ay ka go,do Soomaaliya inteeda kale, laakiin waxaa ka muuqata Soomaliland in aysan diyaar u ahayn wadadaas, Somaliland waa in ay ka maarantaa ka qayb galka siyaasadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ay odayaasha dhaqanka beelaha ay hoggaaminayaan hannaanka kala tagga Soomaaliya iyo Somaliland.

Waa in Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, iyo Xukuumada Somaliland ay si cad ugu sheegaan Beesha Caalamka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in aysan kulaheyn wakiillo ku metala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Danjireyaasha Federaalka iyo Guddiyada madaxa bannaan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, tillaabtan ayaa ah caddeyn dhab ah in Somaliland ay ka go,an tahay madax banaanida ay doonayso 28 sanno in ay hesho isla markaana aaney dooneynin ka qab galka saammi qaybsiga siyaasadda Soomaaliya.

W/Q: Abdirizak Yusuf Gure
Abdirizak.guure@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid