Muuse Biixi oo shaaciyay wadada kaliya ee lagu deyn karo maxabiista Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu shalay jeedinayay wuxuu kusoo hadal qaaday dalab uu u dirayay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dagaaladii dhexmaray maamulada Somaliland iyo Puntland, kuwasi oo sababay inay dad badan iska dilaan islamarkaana maxaabiis ay ku kala qabsadaan.

Madaxweyne Biixi, wuxuu ka daldbaday madaxweynaha Puntland inuu sii daayo maxaabiista kasoo jeeda deegaanada Somaliland ee ku xiran xabsiyada Puntland, kuwaasi oo badankood lagu qabtay dagaalkii ka dhacay gobolka Sool.

Wuxuu sheegay in Puntland iyo Somaliland ay wadaagaan xuduud dheer oo gaareysa 500KM, islamarkaana dadka halkaasi degen yihiin kuwo doonaya inay nabad ku wada noolaadaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dhankooda sii deyn doonaan maxaabiista kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland ee ay ku qabteen dagaaladii labada maamul dhex maray.

Labada maamul ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku dagaalamay deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag, waxaana dadka ku dhintay ay u badnaayeen ciidamada u dagaalamayay labada maamul.

Somaliland ayaa shalay u dabaaldegtay sanadguuradii 28aad ee markii ay sheegatay madaxbanaanida ka soo wareegtay.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com