Xisbiga Waddani oo jawaab cajiiba ka bixiyey hadal uu Muuse Biixi u jeediyey Ciro

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa ka jawaabey hadal & baaq uu Madaxweyne Muuse Biixi u jeediyey Guddoomiye Cirro.

Madaxweyne Biixi ayaa shalay mar uu qudbad ka jeedinayey munaasibada 18-ka May oo Hargeysa lagu qabtay, ayaa waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ugu baaqayo in uu maalin keliya kasoo qeyb-galo xuska sanad-guurada 18-ka May.

Mustafe Shiine ayaa hadalkaas Madaxweyne Biixi ka bixiyey jawaab, isagoona sheegay in xukuumadihii ka horeeyay aysan hadal hayn jirin hogaamiye mucaarid inuu kala soo qeyb-galo xuska 18-May.

Shiine ayaa sidoo kale waxa uu dhaliilo usoo jeediyey Muuse Biixi, wuxuuna yiri “Weli ma aragteen Madaxweyne Siilaanyo, Daahir Rayaale iyo Ina Cigaal oo hadal haya hogaamiye mucaarid inuu kala soo qaybgalo xuska 18 may”.

“Kalsoonidu waa muhiim, ma jirin xus ay KULMIYE kala qaybgaleen Daahir Rayaale, waxana wareysi uu bixiyay Muuse Biixi oo gudoomiye xigeenka xisbiga ah laga hayaa inuu sheegay in aanu albaabka madaxtooyada gaadhin intuu Rayaale dalka haystay, halka masuulyiinta xisbiga Wadani ay gaalaa baxeen, mar walbana iyagoo ka faramadhan in talo midaysan la gaadho oo dood iyo garnaqsi uun soo faa’idey ay dibada uga soo boodayeen”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu lee nahay, laguugu iman maayo inta hadhay wakhtigaaga nabad ku dhamayso, waxase aad ummadda u soo kordhiso ayaa kuu dhito noqonaaya. Sawir aad Ciro la gasho waxaa kaaga quman, adigoo isu soo dhaweeya quluubta bulshada aad madaxweynaha u tahay, se lagaagama baran”.

“Somaliland waxaanu u rajaynaynaa guul weligeedna dib u noqon mayso, nin kastoo taa ku hamiyana waa la’aad, se madaxweyne kasta wuxuu ka tagaa u yaal ama waa lagu xusi ama waa lagu xaman”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com