Muuse Biixi oo Ciro dusha u saaray mas’uuliyada dib u-dhaca doorashooyinka

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay khilaafka mudada badan ka taagan qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay xisbiga Waddani oo isagu ka biyo diidan komishanka doorashooyinka, isla markaana raba in la kala diro.

Biixi ayaa sidoo kale waxa uu baaq u direy xisbiga Waddani iyo taageerayaashooda, wuxuuna yiri

“Waxaanu aqbalnay in Komiishanka cusub oo doorashada qabto, marka Komiishankii hore uu wakhtigiisu dhamaado, waxaanuna diyaar u nahay inaanu ka qayb-qaadano oo aanu weliba tanaasul badan u samayno wax kasta oo Xisbiyada Mucaaradka ahi tabanayaan oo doorashadu inagu qabsoonto”.

“Waxaan ugu baaqaynaa xisbiga Waddani oo ah xisbi Sharaf iyo Karaamo mudan iyaga iyo taageerayaashooda, Walaalayaal waa inaad doorashada ka soo qayb-gashaan, wixii aad naga codsateen waanu dhamaynay, gaar ahaan Guddoomiyaha oo si gaar ah u diiddan doorashada waxaanu leenahay waxay dantu ku jirtaa in taageerayaashaadu ka soo qayb-galaan Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanka.”

Wuxuuna intaas kusii daray Madaxweyne Biixi “Waxa kale oo aanu ku dhiiri-gelinaynaa Guddoomiyaha Xisbiga sharafta mudan ee Waddani inuu maalin keliya ka soo qayb-galo sannad-guurada 18-ka May. Waxaanu bogaadinaynaa Xisbiga Ucid oo ahaa Xisbigii noogu doodda adkaa ee waxaas oo dhan na ogolaysiiyey, aad iyo aad baan ugu bogaadinaynaa Geesinimadooda”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com