Xog: Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo billowday inay jaam gareyso taleefonada

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa billowday inay jaam gareyso taleefonada dadka ka ag dhow agagaarka dhismaha safaaradda, taasi oo keentay in dad badan ay isticmaali kari waayaan taleefanada gacanta ee mobile-ka iyo khadka internet-ka.

Arrintaan ayaa ka danbeysay kadib weeraradii toddobaadkii lasoo dhaafay lagu qaaday garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde, gaar ahaan Marina Gate oo ay degan yihiin diblomaasiyiinta iyo hay’addaha samafalka.

Safaaradda Turkiga oo adeegsaneyso teknolijiyada casriga ah ayaa billowday inay xanibto anteenada taleefonada dadka ku sugan dhismooyinka ku hareereysan iyo kuwa ag maraya safaaradda.

Ilo-wareedyo amni ayaa Caasimada Online u sheegay in safaaradda Turkiga ay qaaday tallaabadan, si ay uga hortagto qaraxyada loo adeegsado in lagu fliyo taleefonada lasoo waco ee miinada ku xiran.

Dadka ku ganacsada dhismooyinka hoteelada ka dhow iyo macaamiishaba ayaa dhibaato ku qaba tallaabada safaaradda Turkiga, iyadoo ay adag tahay in la isticmaalo taleefanada gacanta.

Guud ahaan safaaraddaha, xafiisyada hay’addaha samafalka, kuwa UN-ka ee xarunta Xalane ku yaal ayaa si weyn loo adkeeyay amaankooda, iyadoo ay muuqato kalsooni daro amni, waxayna farta ku godan tahay madaxda Villa Somalia inay qeyb ka qaateen weeraradii garoonka Muqdisho iyo kii Baladweyne.