R/W Rooble iyo Fahad yaa macaash ku qaba khilaafka cusub ee gudiga doorashada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf cusub ayaa soo kala dhex galay xubnaha guddiga heer Federaal ee FIET kadib markii ay qeyb kamid ah guddiga ay sii daayeen liiska xildhibaanada dooran iyagoo ka reebay 4 Kursi oo uu ku jiro kursiga HOP#86 ee uu soo qaatay Fahad Yaasiin.

Lama taabtaankii Villa Somalia ee shantii sano ee lasoo dhaafay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waqtigaan la tacaalaya inuu xildhibaan rasmi ah noqdo.

Laba tallaabo oo waaweyn ayey Jimcihii qaadeen xubnaha is diidan ee guddiga doorashada ee heer Federaal. Guddoomiyaha gudiga doorashada Muuse Geelle ayaa xilkii ka qaaday xoghayihii guddiga Cabdiraxiin Xiirane halka laba saac dhowr xubnood oo guddiga ka mid ah ay sheegeen in shaqadii laga joojiyey guddoomiyihii guddiga doorashada heer Federaal Muuse Geelle.

Ra’iisul Wasaare Rooble isaga waxay uga dhagan tahay in Fahad Yaasiin banaanka lagu reebo, wuxuuna sameenayaa si walba oo ay taasi macquul ku noqon karto.

Inuu Muuse Geelle haysto waxaa la fahamsan yahay inuu gacan weyn ku siinayo Saciid Cabdullaahi Deni oo isaga Muuse Geelle kusoo daray guddigan.

Waa markii afaraad oo uu guddigu is-khilaafo, mar walba oo ay sidaan oo kale isku khilaafaana waxay saameysaa doorashada.

Maalmahaan waxaa aad looga walaacsanaa waxa ka imaan kara kuraasta taala gobolka Gedo iyo sida ay u saameyn karaan dhameystirka doorashada, laakiin hadda waxaa dilaacay khilaaf cusub.

Bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada waxaa heysta garabka Muuse Geelle halka garabka kale ay adeegsanayaan saxaafadda madaxa banaan.

Gudiga is-khilaafsan ee doorashooyinka ee heer Federaal ayaa Maanta bilaabay bixinta shahaadooyinka xildhibaanada iyagoo xildhibaanada Muqdisho joogay ku balamiyey Airport Hotel oo ku yaalla xeendaabka Xalane.

Dadka badi waxay is waydiinaaan yaa faa’ido ku qabo xiisadaan?

Khilaafkaan cusub qofna kuma macaashi karo, Fahad in kursigiisa lagu sii dhaganaado oo uu waayo guddiga mideysan oo ogol waxay ku tahay culeys weyn.

Rooblana uma wacna inuu mar kale marqaati ka noqdo dib u dhac doorasho, guddi is khilaafsan iyo jahwareer cusub.

Wakiilada Beesha Caalamka waxay dhowr jeer ka digeyn khilaaf cusub oo sii daahin kara doorashada, waxayna hadda ku qasban yihiin inay xiisadaan cusub soo fara geliyaan.