Xog: ROOBLE oo dib usoo nooleeyey isku day lagu fasaxayo lacagta Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku cadaadinaya xeer-ilaalinta qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir inay qoraan warqad lagu fasaxayo lacagtii laga qabtay Imaaraadka Carabta, bishii April 2018, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Rooble ayaa 7-dii Janaayo wuxuu dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde oo ku dhow $10 milyan, wuxuuna ballan-qaaday in lacagtaas dib loogu celin doono.

Hase yeeshee, madaxweyne Farmaajo ayaa isla maalinkaas wuxuu guddoomiyaha Bangiga Dhexe ka dalbaday in uusan ogolaan in go’aanka Rooble sanduuqa dowladda looga bixiyo lacagtaas, isagoo go’aanka lacagta lagu celinayo ku tilmaamay mid hal nin qaatay.

Isku dayga Rooble uu ku fasaxayo lacagtaas ayaa waxaa sii adkeeyey Maxkamadda Gobolka Banaadir oo 30-kii Janaayo soo saartay amar culus oo lagu hakinayo bixinta lacagta Imaaraadka, ayada oo la faray guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo wasiirka maaliyadda in lacagtaas aan laga bixin karin qasnadda dowlada.

Si kastaba, sida ay ogaatay Caasimada Online, Rooble ayaa hadda dib usoo nooleeyey isku dayga lagu fasaxayo lacagta, ayada oo ay soo dhowaatay doorashada madaxweynaha, oo la rumeysan yahay inuu isku soo taagi doono.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay suurta-gal tahay in Imaaraadka ay lacagtaas dib ugu wareejiyaan Rooble haddii uu soo fasaxo, si uu ugu xoojiyo ololihiisa doorashada madaxweynaha ee la filayo inuu ku dhowaaqo.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa, sida aan xogta ku helnay, diyaar u ah inuu lacagtaas fasaxo haddii ay warqad maxkamad ama mid xeer-ilaalin soo baxdo.