Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya wararka laga helaayo Xil ka qaadista lagu sameeyay wasiirkii boostada iyo isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim.
Xogo ku saabsan arrinta xil ka qaadista ayaa sheegeysa in dalabka xilka looga qaaday wasiirkii boostada iyo isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim uu ahaa mid ka imaaday dhanka Ra’isul wasaaraha Haile Mariam Desalegn, Gen. Gebra iyo Axmed Madoobe, waxaana dalabkaasi Xassan Sheekh loo soo mariyay Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ah nin ay wada shaqeyn kala dhexeyso Dowlada Ethiopia islamarkaana isku xire u ah Villa Somalia iyo Ethiopia.
Maslaxada ku jirta in Wasaarada boostada iyo isgaarsiinta loo magacaabo Geelle Jaamac Mursal, ayaa ah in Dowlada Ethiopia ay ka qeybqaadato doorashada si mar kale uu Xassan Sheekh ugu soo laabto kursiga.
Qorshaha labaad ee xilka loogu magacaabay Geelle Jaamac Mursal, ayaa ahaa in Dowlada Ethiopia ay C/wali Gaas kala hadashay inuu ka laabto go’aanada adag ee uu kaga soo horjeeday DFS, islamarkaana qaato 4.5, taasi oo aheyd tan ugu weyn oo sabab u noqotay in Geelle Jaamac Mursal oo ahaa adeege u shaqeynaayay Gen. Gebra xilkaasi loo dhiibo.
Qorshaha Seddexaad ee Geelle Jaamac Mursal xilkaasi loogu magacaabay ayaa ahaa in Dowlada Ethiopia ay caqabadeynta dhanka Wabiga ka qaadeyso Somalia, si aan gabaabsi u noqon dalaga beeraha ee Saameynta ku yeeshay wax soo saarka Jowhar.
Geelle Jaamac Mursal, waxa uu ahaa nin ku dhawaad 5-sano si gaar ah ula shaqeyn jiray Gen. Gebra waxa uuna si gaar u qaabilsanaan jiray qaadista Boorsooyinka Gebra iyo in Xarumaha Dowlada Federaalka uu geeyo warqadaha ay is weydaarsanayaan Safaarada Ethiopia, Saraakiisheeda iyo Xarunta Madaxtooyada Somalia.
Geelle Jaamac Mursal, waa markii ugu horeysay oo uu xil ka qabto Somalia, waana tijaabo ay Dowlada Ethiopia ku guuleysatay in Xubin noocaasi ah ay ku dhex yeelato Somalia.
Dowlada Ethiopia ayaa awooda saareysa inay hoos u dhac ku sameyso Siyaasada Somalia, iyada oo daneyneysa in dhammaan Xarumaha Dowlada Federaalka ay u gacan galiso Mukhaabaraad iyaga u shaqeeya.
Dhammaan Howshaani xilka looga qaaday Wasiirkii boostada iyo isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim, laguna magacaabay Adeegaha Wasiirka isku bedelay ee Geelle Jaamac Mursal, ayaa waxaa lahaa Xildhibaan Faarax C/qaadir oo isaga goobjoog ka ahaa Goobta ay xil ka qaadista iyo magacaabida ka dhacday.



