Xog: Sharciyadda shaqo ee ajaaniibta Somalia joogta

Soomaaliya waxaa xilligan la joogo ka hawlgala Hay’addo iyo Shirkado farabadan oo Ajanabi ah kuwaas oo qaarkood ku hawlgala Ujeedooyin Samafal iyo Ganacsi intaba.

Hay’adahan iyo Shirkadahan waxaa u shaqeeya shaqaale Ajaaniib u badan oo si joogta ah ugu xilsaaran mashaariicda gudaha wadanka ka socda iyagoo si joogta ah ugu takrifala Awoodaha shaqo, Shuruucda wadankana ku tunta.

Hadaba waxaa muhim iila muuqatay in aan bulshada Soomaaliyeed iyo Mamullada wadanka la wadaago qodobadan hoose si mustaqbalka dhaw wax looga qabto.

  1. Shaqaalahan Ajaaniibta ah kama diiwaangashana dalka, mana haystaan documentiga ogolaanshiyaha in ay wadanka ka shaqeeyaan (WORK PERMIT) oo ay bixiso Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, mana rajaynayaan in ay isdiiwaangaliyaan ama sharciyadaasi qaataan.
  2. Taas badelkeeda Wadanka waxay ku joogaan DAL-KU-GAL hal mar ah (SINGLE ENTRY VISA) inta badanna ma cusboonaysiistaan. Qaarkoodna wax documenti ahba maba soo qaataan markay wadanka imaanayaan oo waxay aiportyada ku soo maraan laaluush iyo Farsamooyin hoose oo ay dad Soomaali ah kala shaqaynayaan.
  3. Jagooyinka ay hayaan waxay u badan yihiin kuwo ay qaban karaan muwaadiniinta soomaaliyeed sida Cleaner, Assistant, Officer, Coordinator, Manager IWM.
  4. Waxay qaataan Mushaaraad farabadan oo u dhexeeya $5,000 ilaa 10,000 iyo wixii ka badan bishii, mana bixiyaan habayaraatee wax canshuur ah, halka dawladu ay canshuurto musharaadka shaqaalaha muwaadiniinta Soomaliyeed oo aad iyo aad uga yar Mushaaraadka Ajaaniibta wadanka ka shaqaysa ay qaataan.
  5. Waxaa jira dhalinyaro farabadan oo wax ku soo bartay Jaamacadaha dalka iyo dibada oo shaqo la’aan ah, taasina waxaa sabab u ah Shaqaalaha Ajaaniibta ah oo ku shaqeeya jagooyinkii ay qaban lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo sababtay in dhalinyaro farabadan ay wadanka ka tahriibaan ama ay ku biiraan ururada xag-jirka ah ee wadanka ka dagaalama.

Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in dawlada Soomaaliyeed iyo Maamulada dalka ay u toog hayaan arrintan waxna ka qabtaan si fursad loo siiyo muwaadiinta Soomaaliyeed ee wadanka wax u soo bartay.

Dhalinyarada Soomaaliyeedna waxaa la gudboon in aysan aqbalin in arrintu sidaas ku sii socoto oo si joogta ah ula shaqeeyaan dawlada si wax looga qabto, isbadelna loo sameeyo.

F.G: Hadii alle idmo waxaan sidoo kale maalmaha soo socda idiin soo gudbin doonaa xog intaas dheer oo arrintan la xiriira, si qoto dheerna uga hadlaysa Hay’adaha ay u shaqeeyaan Tirada ugu badan ee shaqaale Ajaaniib ah guud ahaan Somaliya gaar ahaanna Maamul-gobolleedyada inta ay noo suurtagasho, Hay’addaha sida joogtada ah u baalmara Shuruucda wadanka iyo cidda ku garabsiiya, Sababaha horseeda fashilka mashaariicda laga fuliyo wadanka iyo sii jiritaan la’aantooda taas oo horseeda in uusan wadnku marna ka bixin xaalad deg deg ah, Canshuuraha, Ganaaxyada iyo dhaqaalaha kale ee wadanku lahaa ee ku baaqda shaqaalaha ajaaniibta ah , Xafiisyada dawladeed ee ka gaabiyay fulitaan la’aanta waajika  sharci ee ka unkamaya arriman aan kor ku soo xusnay.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Hadaba la soco qaybaha dambe ee xogtan
W/Q: Mustafa Hassan