Boqortooyada Sacuudiga oo xannibaad dhaqaale dul saartay Falastiiniyiinta

Riyadh (Caasimada Online) – Wax ka yar toddobaad kadib markii Sacuudiga ay xireen 60 qof oo isugu jira Sacuudiyaan iyo Falastiiniyiin taageera kooxda Xamas, ayaa iminka waxay xayiraad dhaqaale saareen magaalada Gaza.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa iminka xanibay lacagtii laga diri jiray Sacuudiga ee qoysaska Falastiiniyiinta ah ay ku caawin jireen ehelladooda ku nool Marinka Gaza. Waxaa sidoo kale la joojiyey tii ka iman jirtay Gaza.

Xayiraaddan ayaa waxaa ku jira lacagta rasmiga iyo tan aan rasmiga ahayn ee loo diri jiray Gaza, waxaana toddobaadkii tagay aad hoos ugu dhacay lacagtii Sacuudiga ka bixi jirtay ee tagi jirtay Gaza, xilli lagu guda jiray ciidul fitriga oo dad badan ay u baahnaayeen caawimaadda ehalladooda.

Tallaabada Sacuudiga ayaa si xooggan u saameysay dadka saboolka ah ee deggan Gaza. Dhammaan bankiyadii lacagaha xawili jiray ayaa hakad la geliyey toddobaadkii tagay.

Waxaa jira hab aan rasmi ahayn oo si dhuumaaleysi ah ay weli dadka qaar ee ku sugan Sacuudiga lacag ugu dirayaan Falastiin, hase yeeshee waxay qaadaneysaa waqti dheer oo mararka qaar maalmo badan ah, halka markii hore lacagta lagu xawili jiray saacado.

Falastiiniyiinta ayaa tallaabadan ku macneeyey olole cusub oo ka dhan bulshada Falastiin ee Gaza iyo sidoo kale kuwa ku nool Sacuudiga, ayada oo qaar badan oo ka mid ah dadkaas degan Sacuudiga ay yihiin arday ay lacag uga timaado dibedda.

Labadii sano ee ugu dambeysay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa xiray in ka badan 100 qof oo Falastiiniyiin ah, oo badankood lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda Xamas ee dagaalka gobanimodoonka ah kula jirta Yahuudda.

Arrintan ayaa imanaysa ayada oo sanidhii dhowaa ay aad ay isugu soo dhowaadeen dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo maamulka Yahuudda.

Bishii April, Maxamed Bin Salmaan ayaa madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabaas u yaboohay 10 bilyan oo dollar, si uu u aqbalo ‘heshiiska qarniga’ ee Mareykanka uu wado, kaasi oo magaalada Qudus ku wareejinaya Yahuudda. Cabas ayaa diiday yaboohaas.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
caasimada@live.com