Guddoomiyihii Labaad oo ka hor yimid xil ka qaadis lagu sameeyay (Akhriso)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in guddoomiyihii gobolka Mudug ee xil ka qaadista lagu sameeyay uu ka hor yimid wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xaaf.

Kadib Shir jaraa’id oo uu magaalada Gaalkacyo ku qabtay guddoomiye Cabdi Rashiid Xaashi Cartan ayaa wuxuu ku sheegay inuusan aqbalsaneyn xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Mr Cartan ayaa sheegay in wareegtada xilka looga qaaday aanan lagu wargelin, sidoo kale wuxuu sheegay inaan lagala tashan xil ka qaadistiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Baraha Bulshada ayuu sheegay inuu ka arkay warqada xilka looga qaaday, maadaama aan si toos ah loogu wargelin in xilka laga qaaday, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha Mudug Mr Cartan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu wadatashiyo kala duwan uu la sameeyay waxgaradka iyo bulshada magaalada Gaalkacyo, islamarkaana aysan jirin xiligaan wax xil ka qaadis ah oo lagu sameeyay.

Sidoo kale isaga oo ka hadlayay xiriirka dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ayuu sheegay in Galmudug aysan xiriirka u jari Karin Dowladda Federaalka maadaama ay tahay Xubin ka mid ah dowladda.

Hadalka Gudoomiyii xilka laga qaaday ee Gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya xilli xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ay weli ka taagan tahay Magalada Baladweyne,kadib markii uu diiday xilka qaadistaas.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com