Sida ay DF Soomaaliya ugu hiilisay Sacuudi Carabiya iyo sida loogu jawaabay

Dowladda Soomaaliya waxay marar badan cambaarayn iyo dhaleeceyn dusha uga tuurtay dalal iyo kooxo ay Sucuudiga is hayaan iyadoo la safatay dowladda Sucuudiga, waxaa ugu dameeyey taageerada ay Soomaaliya siisay Sucuudiga markii uu ku gudajiray fadeexaddii Khaashuqji oo ay difaacday Sucuudiga kuna tilmaantay mid ceeb ka saliima, sidoo kale shirkii uga dameeyey eeka dhacay Maka Al Mukarrama oo lagu cambeereeyey duulaanka Sucuudiga ee xuutiyiinta kaas oo Somalia qayb ka ahayd sidoo kale na aysoo saartay bayaan ay ku cambaaraynayso,

Taas badalkeeda Sucuudiga waligood ma garab istaagin Soomaaliya kumana taageerin mararka ay xaaladaha adag gasho iyadoo hadda muran badeedkii ugu waynaa iyo xiisaddii ugu kululayd Somaliya kala dhaxayso dalka Kenya ayna Soomaaliya u baahantahay taageero diblumaasiyadeed bacdamaa aan nahay dowlad an awood badan lahayn Sucuudigu wuxuu ciyaarayaa dowrka dhexdhexaadnimada wax dan ahna kama leh xitaa hadii Kenya nagusoo duusho oo Itoobiya soo raacdo isagu xitaa ma cambaarayn doono, sidoo markii Somalia ay xiisada kala dhaxaysay Emirates ka dowladda Soomaaliya waxay dhowrjeer ku dacweysay Sucuudiga isagoo an dhag jalaq usiin kuna taageerayay emirates kai nay cadaadiska inagu sii wadaan,

Sucuudigu wuxuu xiray xoolaha Soomaaliya isagoo heshiis xoolo dhoofsi oo wayn la galay dowladda Itoobiya taas oo curyaamin dhaqaale oo toos ah ku ah Soomaaliya iyadoo xoolaheediina laga faaidaysanayo oo Itoobiya laga daldalanayo, ma aqoonsana baasaboorkeenna mana lagu gali karo dalkiisa iyadoo uu ixtiraamo kan dalal aan dariska nahay ee xifaaltanku inagala dhexeeyo walow ayba Sucuudiga inoo dhaamaan oo dhanka amniga inaga caawiyaan dadkeenana martigaliyeen xilligii dhibaatada baasaboorkeenana aqoonsan yihiin.

Waxaas oo dhami waxay Soomaaliya tusaysaa in aan nahay aalad uu Sucuudigu ku adeegto oo xitaa uuna dayac tirin marka aaladaasi ciladowdo, sababtoo ah hadii uu xitaa wax inoola harayo meel un buu inoo badbaadin lahaa, sababta aan aalad (equipment) Soomaaliya ugu tilmamayna waa inaan la yaabay sababta aysan marna maya u dhihin ee aysan xitaa u dhihi Karin war anigaba markayga ii hiili sida aan kuu hiiliyo markaad dhib gasho, ama inagu kala kaxay anagu xuutigaan baa ka amaan helnaa isagaa u xaq leh inaan taageerno eh.

Ugu dambayn Dowladda Soomaaliya waxaan usoo jeedinayaa inay dhexdhexaad ka noqoto dhamaan colaadah bariga dhexe ama cidda ay la safanaysaa noqoto saaxiib rasmi ah oo la isku hallayn karo xilli walba iyo xaalad walba.

W/Q: Abdullahi Nur
(Falanqeeye arrimaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha)
Email: Mrabdullahi.nur@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid