Xog: Shariif Xasan oo la yimid qorshe Somalia ka cusub oo uu ka adkaanayo mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta kmg maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka uu Xildhibaanada u diiday Mushaaraadkooda.

Xildhibaanada loo diiday Mushaarka oo kamid ah kuwa saxiixay Mooshinka ka dhanka ah Hogaamiyaha ayaa sheegay in mushaar siintooda lagu xirey ka laabashada mooshin laga keenay Shariif Xasan.

Amarka oo la sheegay inuu kasoo baxay Hogaamiyaha maamulka ayaa waxaa la xaqiijiyay in Xildhibaanada maamulka uu mushaaraadkooda ku xiran yahay inay saxiixaan warqad ay uga laabanayaan Mooshinkaasi.

Faysal Sheekh Cawad oo kamid ah Xildhibaanada ay arrintaan ku dhacday ayaa sheegay in markii hore loo keenay Mushaarka, balse kadib loo diiday kadib markii uu qaadacay amar ah inuu ka laabto Mooshinka isla markaana saxiixo warqad cadeyn ah.

”Waa arrin aad u foolxun waxaan cadeynayaa in maanta xuquuqdeena lagu xiray saxiixida warqad aan ku cadeyneyno inaan ka laabano Mooshinka aan ka gudbinay Shariif Xasan”

Xildhibaan Faysal iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan garabka mucaaradka ayaa dowlada Federaalka ah ee Somalia ugu baaqay inay isha ku heyso ficilada taagan ee u muuqaalka eg gumeysiga.

Dhinaca kale, Xildhibaanada taageersan Hogaamiye Shariif Xasan ayaa si nadiifa u qaatay Mushaaraadkooda, waxaana xusid mudan in loogu geeyay guryahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com