Wariye ka tirsan Radio Muqdisho oo iskuday dil ka badbaaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wariye ka tirsan idaacada dawladda ee Radio Muqdisho ayaa  ka badbaaday iskuday ladoonayey in isaga lagu khaarajiyo kadib markii miino loogu xiray baabuurkiisa ay qaraxday waxyar ka hor intuusan raacin baabuurka.

Wariye Maxamed Muuse Maxamed (Gulfaam) ayaa ka badbaaday qaraxa baabuurkiisa loogu xiray abaare 4:00 galabnimo agagaarka saldhiga degmada Xamar Weyne oo uu baabuurku taagnaa halkaasoo uu ku qarxay baabuurka.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa dhacay daqiiqado ka hor inta uusan baabuurka raacin, mana jirin cid wax ku noqotay marka laga reebo baabuurkiisa oo burburay.

“Markii aan soo baxay ayaa dadka ii sheegeen in niman aan la aqoon ay gaarigeyga wax ku xireen, anigana uma dirsan, waxaan u yeeray booliska, nasiib wanaag markiiba wuu qarxay baabuurka,” ayuu yiri Wariye Maxamed Muuse.

Wariyaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Illaahay uu ka samatabixiyey qaraxaasi oo la doonayey in naftiisa lagu khaarajiyo.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee NUSOJ ayaa cambaareeyay weerarka, waxayna ku tilmaameen mid ka dhan ah shaqada saxafiyiinta.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxaasi, waxaase uu noqonayaa weerarkii labaad oo mudo labo bilood gudahood ah lagu qaado wariye ku sugan Muqdisho.

Goobta uu ku qarxay baabuurka wariyaha oo ahayd banaanka saldhiga booliska degmada Xamar Weyne isla markaana ku taalla wadada mashquulka ah ee Via Roma ayaa waxaa soo gaaray askarta booliska iyo araakiisha hay’adaha amaanka, waxayna sheegeen in la baarayo dhacdadan dadkii ka dambeeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com