Baarlamanka Somalia oo ansixiyay dhismaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa

Muqdisho (caasimadda Online) – Kulankii Maanta ay Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa.

Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana ogolaaday 141 Mudane, ma jirin xildhibaano diiday iyo kuwa ka aamusay intaba.

Dhismaha Guddigan ayaa gacan ka geysan doona la dagaalanka musuq maasuqa oo ah waxyaabaha ugu weyn ee ragaadiyay dowladda, isla markaana horay u jireen Kiisas musuq maasuq ay ku lug yeesheen Mas’uuliyiin, kuwaasoo aan maxkamad la soo taagin.

Sharcigaan ayaa waxaa horay u soo gudbisay Wasaaradda Cadaalada waxa uuna yahay mid muhiim u ah in laga hortago musuq maasuq oo ay dowladda ka socon la’aday maadaama masuuliyiinta qaarkood lagu eedeynayo.

Waxaana dhawan bilaaban doona dhismaha guddigaan oo ka mid noqon doona Guddiyada madaxa banaan ee muhiimka u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Xildhibaanada ayaa goor sii horeysay ansixiyay Miisaaniyadda Xukuumaddii Cumar C/rashiid ee sanadihii 2015-2016, waxaana ogolaatay 141 mudane, 12 xildhibaan ayaa diiday, halka 3 ka aamustay.