Xog: Sheekadii yaabka laheyd ee Ahlu Sunna ay dejisay si ay u fuliso weerarkii xalay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu Sunna ayaa xalay qaab yaab leh usoo agaasintay weerar ay ku dishay askar ka tirsan ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, qaar ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna ee ku sugan Bohol ayaa xalay soo wacay saraakiil ka tirsan ciidamada Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb, waxayna u sheegeen inay rabaan inay isa soo dhiibaan.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa sheegay inay rabaan in magaalada Dhuusamareeb lagu soo dhaweeyo, islamarkaana loo soo diro gaadiid iyo ciidan soo galbiyo.

Madaxtooyada Galmudug ayaa rumeysataya warka Ahlu-Sunna waxayna isla xalay dirtay laba gaari oo kuwa dagaalka ah, si ay usoo galbiyaan ciidamada sheegay inay isisoo dhiibayaan, balse waxaa loo dhigay dabin aad loo qorsheeyey.

Waxaa ma qura horey iyo gadaal looga billaabay rasaas xilli ay marayeen meel u dhaxeyso Dhuusamareeb iyo Bohol, waxaana u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan mid kamid ah labadii gaari, sidoo kalana waxaa dhimasho iyo dhaawac noqday qaar kamid ah askartii saarneyd labada Gaari.

Gaariga kale iyo ciidan yar oo ku haray ayaa si dirqi ah kaga baxsaday weerarka, waxayna dib ugu noqdeen Magaalada Dhuusamareeb.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa ciidamada Dowladda laga dilay illaa 4 Askari halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 10, sidoo kalana waxay ciidamada Ahlu sunna furteen qorigii saarnaa gaariga ay qabsadeen.

Waxaa goobta ay arintaan ka dhacday gaaray ciidamo gurmad ah, waxayna ugu tageen meydka 4 Askari, dhaawacyo iyo gaarigii oo laga furtay qoriga.

Ciidamadii Ahlu Sunna ee qorshahaan fuliyey ayaa dib ugu laabtay deegaanka Bohol, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale qarxo dagaal u dhaxeeyo ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Galmudug.