Sawirro: Adeeg hab lacag-yar-yareyn ah lagu gudan karo Xajka iyo Cumrada oo maanta lagu daah-furay Muqdisho 

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalladda Xajka iyo Cumrada ee HUNSO iyo Premier Bank ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daah-furay adeeg ay hirgelintiisa iska kaashadeen oo lagu magacaabo Haleel, kaas oo si sahlan looga faa’ideysan karo gudashada xajka iyo cumrada. Adeegga waxaa la heli karaa muddada ay furan tahay cumrada laga billaabo bisha 1-aad ilaa iyo bisha 9-aad ee bilaha Hijriga ah.

Adeegga Haleel ayaa u fududeynaya macaamiisha daneynaya inay cumreystaan bisha Ramadaan in ay u rukuman karaan si sahlan oo sanadle ah. 

Yuunus Cismaan Axmed oo ah madaxa Howlaha ee Adeegga Haleel ayaa sheegay in adeeggan uu u fududeynayo cid kasta oo awood maaliyadeed leh balse aan halmar heli karin dhaqaalaha xajka iyo cumrada in ay hannaan yar-yareyn ah isaga bixiso.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu bishaareynaynaa in adeegga Haleel uu dhaqangal yahay laga billaabo maanta oo la daah-furay. Adeegga Haleel wuxuu rumeynayaa riyada waalidka iyo qoyska ee booqashada guriga Alle. Sida aan ognahay qof kasta oo Soomaali ah wuxuu ku taamaa inuu xajiyo ama cumreysto inta uu nool yahay ee uu caafimaadka qabo, taas ayaan ka dhignay mid sahlan oo cid kasta ay ka faa’ideysan karto,” ayuu yiri mudane Yuunus.

Wuxuu intaa ku daray in faa’iidooyinka Adeegga Haleel uu leeyahay ay ku jirto helista ammaah maaliyadeed oo aan dulsaar lahayn iyo hannaan lacag-bixin oo sahlan isla markaana qorsheysan.

Sheekh Cabdinaafic Macallin Xaashi oo ah Guddoomiyaha Dalladda Xajka iyo Cumrada ee HUNSO, xubinna ka ah Golaha Sare ee Adeegga Haleel ayaa sheegay sababta xilligaan loogu soo aaddiyay hirgelinta adeegga inay tahay bulshada inay uga faa’ideysato bisha barakeysan ee Ramadaan oo soo dhow.

“Nebiga waxaa laga wariyay inuu yiri {cumrada la cumreysto bisha Ramadaan waxay u dhigantaa xaj la xajiyo lajirkayga oo kale}. Sidaas daraaddeed waa waqtiga ugu wanaagsan ee lagu beego cibaado sidaan u qiimo badan. Sidoo kale, waxaan adeeggan soo kordhinnay iyadoo la eegayo daruufaha dhaqaale ee dalka iyo qaybo badan oo caalamka ka jira, cudurka safmarka ah ee Covid19 oo kala dhantaalay gudashada acmaasha xajka iyo cumarada muddo labo sano ah, iyo bisha barakaysan ee Ramadaan oo foodda nagu soo haysa oo iyana acmaal ajar badan kulansatay darteed,” ayuu yiri Sheekh Cabdinaafic. 

Wuxuu tilmaamay in qof kasta oo shuruudaha soo buuxiya, isla markaana haysta baasaboor Soomaali ah ama baasaboor ay saaran tahay iqaamo Soomaali ah oo aan dhacsaneyn ay u dalbayaan cumrada.

Axmednuur Maxamed Cabdi oo ah madaxa xiriirka bulshada ee Premier Bank ayaa sheegay in qofka uu labo hab uga faa’ideysan karo adeegga Haleel, kuwaas oo kala ah inuu lacagta oo caddaan ah halmar wada bixiyo iyo in uu hormariyo ugu yaraan boqolkiiba soddon qiimaha guud ee xirmada uu macaamiilku doortay, inta hartayna uu yar-yareeyo, kuna bixiyo sanad gudihiis. 

“Premier Bank waxaa farxad u ah inuu macaamiisha [accounts-ka] xisaabaadka ku leh ka caawiyo fursaddaan dahabiga ah. Waxaa deyn bixinta bankiga ka faa’ideysan kara qof kasta oo haysta aqoonsi, kaar shaqo, caddeyn dakhli maaliyadeed iyo damiinul-maal,” ayuu yiri Axmednuur.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Rooble oo hadal ka jeediyay daah-furka adeegga Haleel ayaa sheegay in dhiirrigelinta iyo taageeridda adeeg kasta oo dadka Soomaaliyeed u fududeynaya tegista Xaramka ay qeyb ka tahay siyaasadda wasaaraddiisa. 

Wuxuu xusay in adeeggan uu u arko mid xalka ka qeyb-qaadanaya, meeshana ka saaraya culeysyada ay dadka qaar kala kulmaan tegista beydka Alle ee dhinacyada dhaqaalaha iyo farsamada. Maaddaama uu wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta si guud xil uga saaran yahay fududeynta gudashada waajibaadka diiniga ah ayuu tilmaamay inay garab istaagi doonaan shirkadaha isku howlay adeegga Haleel.

Adeegga Haleel waa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo Soomaaliya.

Waxaa adeeggan laga heli karaa xarumaha bankiga Premier ee magaalada Muqdisho iyo wakiillada adeegga Haleel, fadlan kala xariiri kartaa lambarka gaaban ee 9955 ama WhatsApp: +252 61 5545061.